Wednesday, 29 July 2015

AF DOORSAMAY IYO DAL DARSADAY



Luqad walbo uu wdan leeyahay waxeey calaamad utahay ilbaxnimada  iyo jiritaanka  umadaas. Xaqiiqdii Afkeenii hooyo waxaa ku socdo dabar go, hadaan loo gurmana wuu dhumayaa.
Dadyowga wadamada reer galbeedka  usoo baxay somalida uguma horeyn, waxaa jira wadamo badan oo naga horeeyay lakin caruutooda meysan katigin  Afkoodii hooyo & dhaqankoodiiba.
Somalida qurbah timid intooda badan caruurtooda ma garanayaan afkii hooyo, Waxaana jirto isfahan daro xaga luqada ah oo ka dhex aloosan waalidiinta iyo caruurtooda. Cunigii asagoo somali ku abtirsado uusan hadana afkiisii aqoon waana ayan darada nagu heysato qurbaha.
Mushkilada luqada  kama jirto qurbaha kaliyah,balse wadanka gudihiisa waxaa ka jira hoos u dhac xoogan oo ah isticmaalaka afka somaliga.
 Markaad magaalad dhex mareyso waxaa arkeysaa meharadah intooda badan ineey ku qoranyihiin afqalaad. Markii xataa aad joogto xarumaha dowlada oo aheyd halkii loogu hiilan lahaa luqadan sii dabargoeysa waxaad arkeysaa shaqaalaha dowlada ineey ku subcinayaan english  jajaban AFQALAAD AQOONTU MIYAA ...MAYA MAYA. Englishkas jajabana aqoon kale uma dheera intooda badana waxaa lagu keenay garab ama 4.5.
Aad ayaan   uga murugooda  dandara heysata afkii hooyo, waxaa jirto somali badan oo caadeysatay isticmaalka  Englishka gaar ahaan  baraha bulshada ama saxaafada  haba ugu horeeyaan siyaasiyiinta.
Taasi iyadooy jirto hadana waxaad arkeysaa goobaha ganacsiga lacagaha la isticmaalayo waa lacago qalaad. Markas baan niyada iska iri magaaladan ma weysan aheyn caasimada wadankii la oran jiray "Jamhuuriyada  Dimoqaraadiga Somalia"
Anigoo sidaas u fajacsan ayaan Waxay dani iga gashay  xerada xalane markan goobtas tagayna waxeey indhaheygu qabteen wiilala aan deris aheyn oo fasal  ku jiro oo baranaya  afka ugandheyska, wiilashii baan Af somali ku salamay wax ii jawaabay maleheyn shib ayaa leyga yeri, markay soo baxen ayeey ii sheegen inaan la ogoleyn in fasalka gudihiisa laga ogoleyn in lagu hadlo Af somali, waxaa kaloo fasalka  joogay rag dowlada xilal ka hayo oo eey wasiiro kamid ahaayeen mana doonayo inaan carab baabo sababo amni daraadeed. Meeshii ayaan kasoo cararay anigoo argagaxsan calooshana i hureyso.
 Markan arkay xaalada gobalka  Banaadir  siduu tahay ayaan is iri bal soo fiiri gobalada kale bal ineey sidaan  wax dhaamaan. Waxaan rabaa markaan inan aado jubada hoose, Kisamaayo boosteejada markaan tagay anigoo rabo inaan boorsaani ka raaco ayaa leygu yiri wadada waa qatar badantahay dhulkoo dhana waxaa heysta ninman Calan madow  wato qofan ayaga raacsaneyna qasha, balse diyaarado ayaa aado hadaad rabto, tikid ayaan goostay subixii xigana waxan kasoo dagay garoonka magaalada kismaayo. (Kismaayo  iyo Kistada),kisteydana horan usoo qaatay. Dadka waxaa  baarayo nin madow  oo xoogbadan, markan usoo dhawaaday ayuu af aan aqoon igula hadlay, anigana 4 xaboo  Englisha oon yaranteydii bowsaday  jeebka danbe kala soobaxay, balse nasiib daro ninka  English musan aqoon.Adiga waxan gacmaha isku taag taagnayba ileen shan faroole isma fahmi waaye waan soo gudbay. Waxaana aad ugu careysnaa anigoo wadankeygii hooyo  jooga in nin ajnabiya  i qashqashaado.
Waxan dagey hotel subixii xigay ayaan usoo qasdayay inaan la kulmo Mamulka meesha ka arimiyo siyaan ugu gudbiyo cabaso ka dhan nin aan afsomali aqoon sababta uu ariboorka  uga shaqaynayo !!
Markan soo galay  xafiiska ayaa leeygu yiri xooga sug  madaxweyna mar dhow ayuu imanayaa. banaanka ayan soo fariistay, qol  ii dhowaa ayaan waxaan ka milicsaday rag badan oo nin tuute labiwan cashir siinayo  xoogaa markaan usoo dhawaaday ayaan  arkay humaaga nin koofi barwaani wata oo gar gaduudan, si aan u xaqiiqsado qofkaas ayaan daaqada kasoo istagay qolka waxuun ahaa Axmed islaan waxaana garabkiisa  midig fadhiyay Ganaral Fartaag waxa la barayaa luqada sawaaxiliga. Meeshii ayaan cabashadaan watey  ku laqay, waxaana kusoo noqday hotelkii aan daganaa. Galabtii markaan is iri magaalada soo dhex mushax ayaan arkay dhalinyaro fara  badan oo dhigta iskuulo lagu bafra afka sawaaxiliga markaan weydiiyay sabata logu daatay sawaaxiliga waxey igu dhahen qofan  sawaxili aqon shaqo ma helayo,Waaba "gadaroo dibidhal".
Waxan soo aaday dhinacaas iyo baay waxaan kusoo jeedaa beydhabo janaay. Waxaan imaaday magaalada oo gebi ahaanba looga hadleyn afkii aan aqiinay Da,weynta waxey ku hadlayaan Afka maayga dhalinyarad oo dhana waxeey ku hadlayaan Af amxaari, cid aan kala sheekeysto ayaan ka waayay magaalada. Waxaas intaas dheeraa  meeshii aad istaagtaba waxaa ka taagan calanka itoobiya iyo calanka maamul gobaleedka Konfur Galbeed,maba arkeysid calankii shanta xidig lahaa. Xataa isma moodeysid inaad somalia joogtid,waxey igu noqotay" KUD KA GUUR EE QANJO U GUUR"   waxaan meel la fariistay ooyin  iyo tiiraanyo kadib markan xaqiiqsaday in wadankii la dhihi jiray JAHUURIYADA SOOMAALIYA  geeriyooday,inkaar ayaan dusha uga tuuray  kuwii naga dumiyay dowladii dhexe.

Dhamaad.
Dr.Beileh

Saturday, 25 July 2015

هل نحتاج رجل مثل توماس سنكارا في الحكم

توماس سنكارا الرّجل النّزيه، رئيس بوركينا فاسو من 1983 - 1987. غير إسم بلاده من الإسم الذي فرضّه المستعمر وهو (فولتا العليا) إلى إسم (بوركينا فاسو) وتعني أرض الرجال النزهاء ، اغتيل بعملية مشتركة من المخابرات الامريكية والفرنسية بالتعاون مع الرئيس المخلوع كومابوري الذي سقط في اكتوبر 2014 بأنتفاضة شعبية.
تخوفت القوى الامبريالية من قائد افريقي ثوري اشتراكي دعى الرؤساء الافارقه في اخر قمة يحضرها الى الكف عن الديون من دول العالم الاول والاعتماد على اوطناهم قائلا: ( إن الدين يدار بشكل بارع لإستعادة أفريقيا، إنه إسترداد يحيل كل واحد منّا إلى عبد إقتصادي ، إن سياسات الفائدة والمساعدات قد إنتهت بنا إلى إخضاعنا وسلبنا الشعور بالمسئولية تجاه شئوننا الإقتصادية والسياسية والثقافية) واوصاهم ترك شعوبهم تعيش حره مرفوعة الهامة في انظمة ديمقراطية.قال ثلاث كلمات فكانت صاعقة على رؤوس الطغاة ( الحرية - تؤخذ - ولاتعطى).حوّل بلاده في أربعة أعوام من بلد فقير يعتمد على المساعدات إلى بلد مستقل إقتصاديا ومتقدم إجتماعيا .
سياستة الداخلية تركزت على منع المجاعة مع الاكتفاء الذاتي الزراعي وإصلاح الأراضي، وإعطاء الأولوية للتعليم بحملة لمحو أمية في جميع أنحاء البلاد، وتعزيز الصحة العامة عن طريق تطعيم 2.5 مليون طفل ضد التهاب . السحايا، والحمى الصفراء والحصبه .
اهتم بالزراعة وطالب شعبه بالتخلي عن اكل الحبوب المستوردة من أوروبا   .علينا أن نستهلك ما نتحكم فيه
واستطاع في غضون 4 سنوات زيادة عدد الأطفال في المدارس وخفض معدل وفيات الرضّع وإعادة توزيع الأراضي على الفلاحين من الملاك الإقطاعيينوزراعة 10 ملايين شجرة لا تزال تساعد في تظليل العاصمة واجادوجو، فضلاً عن الاكتفاء الذاتي حيث اصبحت بوركينا فاسو اول دولة في تاريخ افريقيا مكتفية ذاتياً مع وجود فائض في الانتاج، اضافة الى تشييد مئات الكيلومترات من الطرق والسكك الحديدية من اجل ربط سكان الريف مع المدن ، وانشاء مئات القرى مع مستوصف ومدرسة لكل قرية اضافة الى التزام بحقوق المرأة حيث يعد الرئيس الاول في تاريخ افريقيا الذي منع ختان الاناث وزواج القاصرات وقام بتعيين النساء في المناصب الحكومية العليا ,
 بدأ عهده بتطهير البلاد من الفساد وخفّض رواتب الوزراء وباع أسطول السيارات المستوردة في الموكب الرئاسي ،واستبدلها بأرخص أنواع السيارات في بوركينو فاسو وهي الـ (رينو 5). كان راتبه 450 دولار شهريا ورفض إستخدام حتى مكيف الهواء في مكتبه، قائلا بأنه يشعر بالذنب لأن القليل جدا من شعبه يستطيع أن يملك ذلك.
رفض أن تعلق صوره في المكاتب والمؤسسات الحكومية. شجّع على نمو الصناعات المحلية وأصبح البوركينيون يرتدون قطنا وطنيا 100% قطن تم نسجه وتفصيله في بوركينا فاسو .
مع فجر 15 /اكتوبر 1987،صُوّب مدفع رشاش نحو مقر إقامته ليقتل سنكارا ويوقف أحلامه بأفريقيا حرة.قال قبل اسبوع من اغتيالة انه اقتحم المحظور في العرف الاستعماري، وتجاسر على قضايا المديونية والتبعية، وان تلك القوى قد ضاقت ذرعا به وانه سيتم اغتياله وختم قوله "يمكن قتل الثوار، لكن أفكارهم لا تقتل .

Thursday, 23 July 2015

Politicians Barriers


This is my first article  in english but is not least ,although  I am not good at writing  english but i will do my best to convey you  my  message in this article. I will tell  you later why not by somali language.
We are  somalis all muslim sunni, have one language,one ethnicity,no much difference  in biological  feature. we have very good   traditions and cultures.
Somalis people  either in the countryside or in the cities they accommodate their guests and feed them well. We are good in helping each other, also helping   poor. we are unique in case of social  solidarity. There is no arguments how we are wide  open between us in case of business sharing,affinity  relationships. you find there is no limitation between  Somalis.
In contrast of all good things  mentioned above we are really  have political  barriers  specially when it come movement  of politicians within the country. Let me give you an example in this matter last visit of  Ex-Puntland preside Mr.Farole to Hargeysa the procedure has been taken more then 3 month almost  to allow him to enter  for a condolence, family reason. somaliland authority  have been tried to hide  the event,  but no one can hide  nothing in the world of widely  opened social media.
What is happen if  Ismail Buba to visit Hargeysia without  changing his principle   about somali unity or Faisal Ali UCID  party leader to visit Mogdisho without concede  his ideology  of somaliland separation. maybe to visit Israel  easier for him. The men  meet with southern politicians in Dubia or Nairobi and chat with them as they belong one family. But when they back to Hargeysa imitate like the southern people are first  enemy of somaliland people, this is kind of political drama in the  north.                            
The current  puntland president Mr.Gaas  been visited to Galmudug two times  when he was PM and the other time  as somli citizen,but you can't  convince him at the moment to come visit Galmudug, maybe to visit Gebra's uncle in Adwa,Ethobia  more easier for him.
This what i can't  understand why politicians have limitations on their movements  freely in the country!
Is this something generated automatically  it self without justifiable reason! or its something  dictated outside of the country?
I think its not wise to create  barriers within our country regions, we want from somali people and politicians to grew up their mentality for non sense to leash plolticians movements within their land, as we know the world become as   small village.
N.B
It supposed to whisper you in your ear why i  chosen to wrote my article in english instead  of Somali language, I'm telling  loudly there are more than half million of Somali generation don't know  how to read or to write their mother tongue. It is another problem, I will address in another article
End.
Dr.Beileh

Saturday, 18 July 2015

Dhiilo Nabadoon

 
Nabadoon Faarax buule Waa 65 jir, waxuu muddo ku dhow rubac Qarniya ku maqnaa wadanka dibidiisa  Gaar ahaan Cariga engriiska. Waxuu kusoo noqday dhulkii hooyo asagaoo hamuun badan  u qabo. Waxaan si kadisa  kula kulmay hotel ku yaala magaalada Muqdisho  iyado rag iyo dumar fara badan oo tolkisa ahi salaam ugu yimideen Waxuu igu yeri  asagoo farxad eey  reyn reynu ku dhahentahay wajigiisa  ka muqaneysay  “Alla Qurbo maxeey  Rag   Qiimo tirtay” .
Nabadoon faarax buulo mudadii uu  wadanka  ka maqnaa waxuu ku sugnaa magaaladan London, weligiisna meel kale uguma baxin  marka laga reebo hal  mar  oo eey xajka u waday curadiisa xalimo faarax. Intaas uu  engriska  joogana waxba kama baran  oo xataa  wax kaleba iska dhaafe luqada englishka waxba kama yaqaan marka laga reebo  dhor erey  sida -how are you iyo Thanks iyo inyar oo kale oo naf laheyn- shaqana warkeeda iskaba daaba waxuu ahaa ceyr suge sida somaliduba u badantahay.
Nabadoonka ma socod badna oo inta badan guriga Gabadhiisaoo  uu la noolyahay  ayuu iska joogaa, mar mar ayuu aadaa maqaaxi yar oo  ku taala waqooyiga London, halkaas oo aay  jufadiisa iskugu timaado  kuna kala warqaataan wixii ka dhacay dageenkooda nabad iyo colaadba.
Nabadoon   Buule  waa nin cod kara geesina ah hadalkana  aan la gamban, aad ayeey ugu  gambadaan  bahda ku jufada ahi oo dhan gaar ahaan markeey timaado aruurinta  lacagaha qaaraanka ah ee loo diro wadankii marka colaadi jirto ama beeshiisa eey dulaan ku tahay beel kale.
Lacago aad u badan oo dagaalo  beesha ku gashayna  wuu soo abaabulay mudadii uu joogay qurbaha inkastoo dagaaladaasi dhalinyara badan uga dhinteen  beesha Nabadoonka, kuwa kaloo fara badana ee ka galaafteen beelihii kale eey gulufka la galeen Waxaa is leeyahay  dhimashadaas waa  laga baaqsan  karay hadaan qarashba jireen amaba qarashkas loo adeegsan lahaa howlo kale oo beesha  wax tar uleh.
Nabadoon buule mudadii uu maqnaa oo dhan   waxuu ahaa  jeeb ku dhiigle, asaga iyo bahdii qurbaha lajoogtay oo ku heybta aheyd.
Maalintuu kasoo dagayay ariborka waxaa loo soo dhaweeyay sidii QABQABLE in muddaa ADDISABABA  ku maqnaa, baabuurta lagu soo dhaweeyay xataa waxaa ku jiray kuwa gaashaaman oo u badnaa nooca loo yaqaano CABDIBILE. Waxaana la deyiyay hotel 3 star ah oo kamida kuwa ugu qaalisan magaalada.
Waxaana durbadiiba bilaabatay in lasoo  booqdo Nabadoonka, dad badan  oo isugu jiray rag, dumar iyo caruurba weey u  imaanayeen Dadka intiisa badan  Nabadoonka warkiisa uun beey maqli jireen ee muuqiisa meynan aqoon , waxaa ayagana jiray kuwa kale oo xataa uga imaanayay  miyiga kaliyah ineey mar un arkaan nabdoon buule.

Dhamaad.

Dr.Beileh

Monday, 22 June 2015

MAXAA KALIFAY SAFARKEYGII YURUB.

Waxeey aheyd maalin arbaco abaare barqadii subaxnimo , waxaa lagu jiray bisha marso oo ah bisha ugu kulul geyiga somalidu degto waxaa guriga iigu soo galay nin saaxiibkey qaaliya balse in muddo ah ismoogeyn oo dhawaan kasoo gurya Noqday mida kamida wadama reer yurub, waxuu gacanta ku watay caagad yar oo biyaha nooca loo yaqaan caafi ama jeema ku jireen.

Ninkaan isoo booqday waxaa lagu magacaabaa Kuukaay. waa nin aanu saaxiibo lilaahiya isku ahayn kuna soo wada barbaarnay magaalada baladweyne ee gobalka hiiraan. waxaanu nahay isku fil Waa sxb nafta aan is dhaafsano, dugsi quraanka maalin qura ayaa nalawada geeyay kadibteed kalamaan hari jiran waxaan isku aheyn ul iyo diirkeed, waxaana nala dhihi jiray mataanaha waligedna kumaan kala harin ciyaaraha caruurnimada la dheesho sida Nacash, Owl, Quful albaab,Abiteey iyo wixii lahal maala oo markaas lagu kacsanyahay waxaanu aad u jecleen kubada cagta oo xilaba nooma eysan laheyn waxaanu ciyaar jirnay xili walba iyo meel walba aanu kaaso gaarno.

waxaanu kubilownay yaraanteenii Bugle waa nooc kamida kubad macmala aanu gacanta ku sameyn jirnay waxaa laga sameyn jirnay calala jarjara oo iskaalsho lagu gurayo gaar ahaan nooca askarta oo loogu xilan jiray weynaashaha iyo dun adeeg.

Markii danbana waxaan u dalacnay bonooni loo yiqiin berigaas super waxaanu ku noqonay labo xariif ilaa ciyaalka xaafada nagu kala naaneeseen Beley iyo Maradona. Markaan soo yara weynaanay waxaan isla bilownay gelida filamada gaar waxaana sigaara usii jecleen filamada loo yaqaan Agente weligeedna filam nama seegin, si kasto lacagta filimka lagu galaya lagu soo helo, marmarna shuut(free) ayaan ku geli jirnay mararka qaarna midkeen ayaa loo fuuteyn jiray, wiilasha bilyeetiga jara ayaa tix gelin gaara ina siin jiray maadaama aanu aheyn labada xariif ee xaga banooniga laga danbeeyo. Waxaanu soo gaarnay xiligii wiilasha qaan gaaray haasaawo tagi jiray.

Galab dheer ayaanu labis isku taagi jirnay, surwaal kaakiya iyo shaati Polo ah iyo kaba kooyo feero ah oo si fiican loo luujiteeyay dhexdana waanu dhuqsan jirnay, timahana waa aafro elfis leh istiilka labiska aad ayaan iskaga tiirin jirnay , Gabalka markuu sii liicayana waxaan socod kusoo kala bixin jirnay daafaha xaafadda si waloo gashanaatida ama hablah foodleey ahi noogu ogaadaan inaan nahay barbaar haasaawe doona.
Gabalka markuu dhacana waxaan gaad gaad ugali jirnay gabar waloo guriga banaankii adeeg looga dirayoo gaarna aan laga heyn inaan dhinac kalaqabsano, iyadoo qaarkood markaad lahadasho caytinta kasoo horeyso kuwa noocaasana xaafada waa leysku sheegi jirin waxaana dhihi jirnay dhagweyn loomana dhawaan jirin, balse waxaa jiray in badan oo wax kula fahmaayo.

waxaan sidaa in muda ah kusoo jirnay markii danbe waxan ku haasaawo tagi jirnay balamo, waxaan noqonay wilal sheekadooda aad loo xiiseeyo, mararka qaarna waxanu uga sheekeen jirnay gashaantida filamada aadka loogu jeclaa berigaas, taasna waa mida keentay inaan xiisa gaara naloogu yeesho.

hablaha xaafadana intoooda badan waxaanu ku ekeenay shukaanse iyo haasaawe marka laga reebo inyar oo Maqabiya ahaa iyo kuwa kaloo aabayaashood bud la ag fadhin jireen waardiyana ladaba dhigay, bal adiguba waa ku kaasaaye boojaal la waardiyeeyo ugal ,maqabiyana warkeeda iskaba daa.

ilaa aanu marki danbe u qaraab tagi jirnay xaafado kale anagoo doolla, markaa doolka tahayna waxaad leedahay xiisa gaara.

Intaas markaan kaga baxo dhalinyaranimadeenii, iyo waayihii xiisaha badnaa ee noloshena. Sidaad oksontihiinba bilowgii 1991 wadanka eey ka dhaceen dagaaladii sokeeya ii dhiiga faraha badan ku daadteen, qofkana loo dili jiray inuu ka dhashay reer qansax ama reer quruc asagoon waxba galabsan dadkiina kala irdhoobeen kalsoonadii dhuntay.

Kala qaxii iyo kala cararkii qoys kasto waxuu beegsaday meeshuu islahaa waad ku nabad geli kartaa , dad badani dadnta waxey ku xanbaartay ineey ku qaxaan tuulooyin fog fog ama miyiga.

Waan isweyney aniga iyo saxiibkeey , in mudanaa warkiisa iyo wacaalba kalamaan helin anigoo ogeyn halkuu ku dambeeyay kuna sheegi Karin geri iyo nolol toona, asagana sidoo kale ayuu ii weysana.

muda dhowr sana ah markuu xaalka sidaa ahaa, dagaaladii sokeeyana xogaa yara qaboobeen is dhexgalkii dadkana soo noqday ayaan soowada guryo noqonay dibna iskula kulanay kadib markaan mudo aan arkin aniga iyo sxbkey, meeshana waa magaaladaan ku soo barbaarnay yaraanteenii waa baladkii baarta dheereed iyo buundadii liiqliiqato.
Kadib Markaan dib isku haleelnay aniga iyo saaxiibkeey , ayaan galab kasto waxaan isku arki jirnay maqaaxi shaax oo eey laheyd gabar la yiraa xaliimo dheer, waa inan qurux ilaah ku maneystay aadna u sheeh maceeyd sidaa daraadeed ayaa maqaydeda ugu kalyati badneyd magaalada , rag badani waxeey usoo aadi jiren maqaaxida ineey quruxda xalimo ku il qabowsadaan.

Waxaan in mudaa wada joognayba aniyo sxbkey wadankiina eey ka jirtay shaqa la,aan baahsan. Dhalinyaradana xaafadana waxeey bilaabeen iney xabad xabad u iyo koox kooxba u tahriibaan ayagoo beegsanayo wadama kala duwan si eey u helaan nolal dhaanta mida wadanka kajirto. Sxbkey kuukaay ayaa galab kamida galbaha si kadis ah iigu soo bandhigay inaan wada tahriibno mar hadaan waxba laheyn oo guryaha leyska joogo. Anigana waan ku gacan seyray, waxaana ku iri intaan dhul shisheeye darxuma ugu dhiman lahaa aan dhulkeyga ku dhinto. Bals saaxiibkey uma cuntamin jawaabteyda.

Waxuu durbadiiba bilaabay inuu raadiyo dhalinyar tahriiba oo uu ku lug darsado. Waxuu qarashka tahriibka usoo diray nin aderkiisa ahaa oo mudo ku maqnaa sacuudiga. Uma sheegin hooyadiis inuu tahriibayo sida inta badanba dhacdo waa ka qariyay .

Saaxiibkeyna cagtuu wadada saaray waxuuna qabtay dhinacaas iyo itobiya , sudan ,libiya ,badda ,talyaaniga. Waxaa isla subixii xigayba guriga igu yimid hooyo batuulo oo ah sxbkey hooyadiisa waxeyna I weydiineysay inuu kuukaay xalay ila jiftay iyo in kale waxaana ku iri maya eedo ilama jiifan aad ayeey uga naxday waxana ku dhishay islamarkiiba amaa xalaybaa la dilay, kadib waxaan galnay or orad iyo baadigoob meel kastana waan laga waayay ninkii , markii danbe ayaa loo shaagay hooyo batuulo in curudkeedii tahriibay, markaas ayeey xoogaa laabta u qabowday ,kadibtena waxeey bilowday ineey u duceyso inuu ilaaheey nabad geeyo halkuu hiigsanayo wiilkeda oo ah yurub.

Sxbkey waxuu sii dhac dhaco oo uu sii kuf kufaba ugu danbeyntii waxuu cagta dhigtay swedan oo aheyd halkuu ku talamayay asagoo weligii wax diyaarad la yiraa labadiisa cagood saarin. In markuu 7sano ku dhawaad sii maqanyahay ayuu dib ugu soo noqday somaliya asagoo aad isku badalay, eeyna adagtahay inaad durbadiiba aqoonsatid. Waxuu igu yimid anigoo weli joogaa meeshuu iga tagay waxuu iigu soo galay guriga asagoo gacanta ku wato caag yar oo eey ku jriaan biyaha caafi. halkaas ayuuna iiga biloway inuu iiga sheekeyo nolashisa mudadii aan kala maqneyn laga bilaabo safarku uga ambabaxay magaalada, dibna aan iskula xusno taariikhdii dheereed aan soo marnay yaraanteeni.

Waxuu waqtiga nala sii siqaba shekadana eey isku sii diba dhacayso sxbkeyna quraaradii uu biyaha ka nuugayay eey ka dhamaadeen ayaan waxaan galas biya qabow uga soo daray aashuun yar oo i ag yiilay, waxuuna igu yiri war aniga biyahaan caafigaas aheyn ma cabo oo calaashaa igu xanuuneyso, intaan qoslay ayaan ku iri sxb biyaha waad kuwaa weligaa cabi jirtay adigiina waxaa tahay weli kuukaay ee ma swedanbaa lagaa soo amray sheekadaan. Waxey dani keentay inaan dukaan inuu dhowaaa 1litter caafiya laga dalbo.

Subaxaas ayeey igu dhalatay inaan anigana tahriibo si aan biyahaas caafiya markaan soo noqdo iskaga nuugo.

Dhamaad.

Tuesday, 3 March 2015

FARIIN FURAN.


Fariin Ku socota Umada Dagan Gobalada Waqooyigalbeel iyo Togdheer.


Walaalyaal waxaad Qeyb Muhiima Ka tihiin Shacab weynaha soomaaliyeed.
Soomaalidana maahan dad sina kukala maarmo, berigii hore iyo imankaba.
Mudadii 22 sano ee lasoo dhaafayna lagu guul dareestay Noqoshada  Dowlada madaxbanaan.sidaas waa xaqiiqada dhbta ah ee jirto oo aan leyska indha saabi karin.
Hadeey walaalaha kale ee dagan gobald waqooyi ama dhulkii la isku oran jiray Brtitish Somalia  sida Khaatamu, iyo Owdal, iyo Maakhir states Ka tashteen Aayahooda xaqiiqsadeena ineey jirin wax la yiraa somaliland ee aduunka aqoonsanyahay.
 Madax banaanid soomaaliland ineey Noqotay  mid uun siyaasiyiinta xisbiyada hadalkeeda hayaan markeey ku jiraan Olalaha doorashada.
Waxad ogtihiin  Xisbiga Kulmiya ee hogaamiyo siilaanyo  diideen ka qeyb galka shirka Istanbuul oo ah wadadii loomari Lahaa Dowlada la yiraahdo somaliland.
Hadey ka tahay Daacad Balse  eeysan jirin Daacadnimo .Markaan  idiin sheego xaqiiqda dhabta ahna waxaa weeye Maadaama doorashadii soo dhawaatay in la doonayo in shacabka  laga ruwaayadeysto. Olalahana  lagu galo madaxbanaanida somaliland iyo waxaanu ka go,eynaa Muqdisho. Umadaana  cid kala goyn karto ma jirto inta aduunyada ka dhiman.
 waxaad ogtihhin in qoyska Siilaanyo eey Muqdisho ka furteen hudheel casriya, sidoo kalana siilaanyo uu doonayay in xisbiga kulmiye loogu daro wasiir dowlada Faderaalka.Golahii lasoo dhisayay dhawaan Balse uu ku fashilmay.
Waxaa kaloo wax lalayaabo ah xataa dowladaha deriska la ah somaaliya oo lagu yaqaan cadownimada ee u qabaan shacabka somaalida ayaan ku qanacsaneen in wadanka lakala qeybiyo iskaba dhaaf soomaalida inteeda kale.
Walaalayaal waxanu rabnaa in taariikhda  aduunka wax ka  barano  anagu diina iyo dhaqan iyo midab kuma kala duwanin , waxaana jiro wadamo intaas ku kala duwan hadana mideeysan.
midnimada waa mid nawada anfacayso  waxeeyna si gaara usii anfici doontaa jiilalka imaan doono.
Towfiiqda ilaah Hana waafajiyo.

Monday, 2 March 2015

SHEEKO DHEXMARTAY KORNEYL DIIRSHE IYO DEEQOW (ABU- XAMZA).


    Deeqow waa 27 jir degan degmada hodon ee magaalada muqdisho, saaxiibada eey isku xaafada yihiin waxeey ku naaneesaan Qaloocoow oo aha naaneesta uu caanka ku yahay xaafadiisa oo  idilna looga yaqaano.
Balse kooxda uu ka tisanyahay ee Ururka Alshabaab waxeey ugu yeeraan abu-maxamed, waxuu ka tirsanyahay  kooxdaan  mudo 7sano ah. Qalocow  waa 3 xaasle waxuuna leeyahay 14 caruura.
Waa nin muuqaal ahaan dheer jirkusana dhex dhexaad  yahay, midabkiisuna  waa  maariin cadaan xigeen ah. waxuu kooxda u qaabilsanyahay dhinaca sirdoonka   waa nin aad ugu xildheer khabiirna ku noqday arimaha la xeriira sirdoonka iyo tebinta macluumadka sirta ah ee ku saabsan dadka ka shaqeeya xafiisyada dowlada iyo NGOyada, waxuu kooxda u qaabilsanyahay degmada xamrweyne iyo Hodan. Waxaa jiro oo kale rag badan oo sidiisaas oo kale ah oo ka shaqeeya degmooyinka kale ee gobalka banaadir. Qaloocow   waxaa loo xil saaray soo tabinta xogaha ku saabsan dadka taargadka ee sida joogtada ah loo  ugaarsado oo kaliyah. asaga wax shaqo ah kuma lahan fulinta Howlahaan.
Qaloocoow waa nin marna aan lagu tuhmi karin inuu ka tirsanyahay koxda Al-shabaab marka loo eego qaabka uu ulabisto, waxuu inta badan fadhiistaa Hoteelada iyo maqaaxiyada  laga sheeho ee Degmada Hodan iyo xamarweyne
Waxuu iskaga dhex gooshaa maqaayadaha ama hoteelada ku dhexyaal 2bada dagmo ee loo xilka saaray.
Qaloocoow waa nin aad iyo aad u furfuran si dhaqso badana dadka u barta una  dhex gala waxuuna  dadka u muujiyaa bashaashnimo, waxuuna  iskugu sheegaa inuu ka shaqeeyo  mid kamida wasaaradaha dowlada . Waa nin hadal macan sheeko badan oo  qofkuu la shekeysanayo uusan  wax tuhuna haba yareeta  marnaba  ka galeynin.
Qolocow waxaay maalin maalmaha ka mida is barteen koneyl Diirshe oo waardiye ka ah mid kamida hoteelada magaalad muqdisho ugu dadka iyo shacbiyada badan  waxey u aheyd maalin farxad waxuuna u arkayay fursad qaaliya oo soo martay noloshiisa abid barashada ee isbarteen korneyl Diirshe.
Sida aan Horey ugu sheegnay  Korneyl  Diirshe waxuu  kaabe waardiye kayahay mid kamid hoteelada muqdisho ugu waaweyn oo aanan dooneyn inaan magaciisa halkaan ka xuso sabab amaanka la xeriirta daraadeed.

 Diirshe  waa 36 jir sxbadiis waxey ugu yeeran korneyl diirshe, dhab ahaanti  mahan korneyl cidanka, bulse waa geesi birta calaajiyay, oo dagaalyahan ah  kuna xeel dheer  xirfadda dagaalka, dagaaladii sokeeye   ee wadanka ka dhacay miduu ka baaqday majirin, Korkiisa rasassta ku taalana mahan  mid  tiradooda lasoo koobi Karo . Diirshe waa nin muqaal ahaan  gaban  midabkisa waa madoow dhalaalaya waxuu leeyahay dhool  Iyo timo yalaxa  waana   indha buuranyahay.

Diirshe maalina  waligiis qaad la,aan ma noqon waa nin  caleenta aad  u cuna sigaarkana warkiisa  iskaba daa asaga , waqtigiisa inta badanba waa maruu qayilayo ama hurdayo. Diirshe aabihis asagoo yar ayuu geeriyooday, hooyadiisna waxaa  guursaday nin kale oo aay isku heeb yihiin. Inta badan noloshiida waxuu kusoo qaatay goobaha dagaalka iyo  xarumaha  jiridda  ku hoyato .waaba fara ku tiris inta uu guriga hooyadiis tagay kadib markii dowladii dhexe burburtay.
maahan nin jixinjixo cabsidana kuma qorna qaamuskiisa.  
Korneyl Diirshe wax reera malahan weligiisna ma guursan,  iskumana fiicna  dumarka markeey noqoto xaga haasaawaha.
Markeey birtii dagalada sokeeye qabowday. qayilaadiisana eeysan isku toosneyn buusarad darana eey soo waajahday , In muda ah markuu  ku sugnaa xaaladaas qalafsan.

Maalin maalmaha kamida ayaa   waxaa u yeeray nin eey xigto yihiin oo ganacsade weyn ah magaaladana  caan ka ah.  si dhowna ula socday xaalka diirshe,  waxuuna usoo bandhigay inuu kaabe waardiye uga naqdo mid kamid xaruumhiisa ganacsi ee ku yala magaalada  muqdisho waana hotel aad u  shacbiyad ( kalyanti) badan loona qaro mushar uu ku marayo nolashiisa oo asaga ku filan.  Maadaama uusan laheyn xaas iyo caruur toona . Maalintaas waxeey u aheyd maalin  farxadeed usan iloobi doonin nolashiisa   mar haduu Qayilaadiisa meel loo saaray, maahan nin nolasha qiimo ugu fadhiso waxa ug muhiimsan  nolashiisa waa inuu helaa laamaha cagaaran ee loo yaqaan Jaadka.

Qoloocow waxuu iskuga sheegay Dirshe markeey isbarnayeen inuu u shaqeeya dowlada waxuu si isdaba joog ah u yimaadaa hudheelka  uu Korneyl Diirshe  ka shaqeeyo waxuuna ka dhigtay saaxiib dhow talefanada waa lakala qortay.  diirshe mar marka qaar wuuba shaxaadaa  gaar ahaan markeey kasoo raagto xoogaaga sunaada ee laga siiyo shaqada, Qalocowna  maahan nin wax ka hagrada    oo waa nin ujeedo guracan wata  waxuuna xoogaagiisa qayiladaa  ugu soo tuuraa  adeega loo yaqaan EVC Plus
Waxaa  ka dhex bilaawday  diirshe iyo qaloocow xeriir cusub oo is barasho iyo mid saxibtinimo .
Diirshe wax dareen kama qabo ninkan dhalinyarada ah eey isbarteen dhawaan.Qalocow waxu ku war galiyay Ninka ugu sareeye xaga fulinta  iyo ismiidaaminta  inuu mar dhow fursad dahabiya usoo gacan gelin doono, balse arinta ee u baahantahay xoogaa waqtiya. Warkaas waxaa aad ugu riyaaqay madaxa fulinta ee  kooxda alshabaab.
Qaloocow  waxuu si habsami leh usii xoojinayaa iyadoon cidna dareemin  xeriirka kala dhexeeye Diirshe oo ah kaabaha  ilaalada hotel dadkiisu iyo macaamishiisu aad u badanyihiin kuna dhex yala bartamaha magaalad ee caasimada.                                                                                    
Qalocow maalmaha uusan imaan hotelka waxuu kula soo xeriraa Diirshe talefanka asagoo sidi qof saaxiib ah u xaal wareysanayo sheekadoodana eey tahay mid iska caadiya oo is nabdeenta aan sidaas usii dhaafsiisaneyn.
Waxa maalinba maalinta ka danbeysa isi soo tarayay xiriirka ka dhexeeye labada nin, sidii horay u dhici jirtaba Korneyl Dirshe haduu musharka kasoo raago ama uu ka faaruqo durba sanuuda laga siiyo shaqada sida inta badanba dhacdo  waxuu iska shaxaadaa sxbkiis Qaloocow  waa dhaqan eey taqaan inta Qayisha badankood, Qalocona markaan waxuu usii muujiyay deeqsinimo oo  Qimaha maaliayadeed uu shaxaadka   usiiyo korneyla ayuu usii kordhiyaa marba marka ka dambeyso .
Diirshe musharka si goos goosa ayuu kuso gari jiray ayantii danbe, iyaduu sidaa tahay ayaa hadana in muda ah wax mushaara uusan  qaadan.  balse waxuu geed gaaban iyo mid dherba u koraa siduu u heli lahaa marduufkiisa qaadka oo ah  waana sheyga ugu muhimsan nolashisa, waxuuna kusoo qaataa deyn oo buug ayaaba uga furan mid kamida gabdhaha qaadka ku  iibiya isgoyska banaadir ee magaalad  muqdisho.
Waxuu xaalka saas ahaadaba deyntii looga lahaa Qaadkana  eey sii kordheyso, ayuu ku fakiray inu sxbkiis Qalocow lacag deyna ka qaato  si uu iskaga sii maareeyo  deynta looga leeyahay Kabarka. Arinkii ayuu u  sheegay Qalocow,asagana waa ka ajiibay  2 cisho kadibna  waxuu u keenay lacagtii  una sheegay inuu tartiibtiisa  iska keeno  xiliguu  helo lacag.
Qalocow oo ka war qaba xaalada dhaqaale xumo ee lasoo daristay diirshe, ayaa bilaabay inuu kasoo baaran dago sidii looga faaiideysan lahaa marxalada dhaqaale xumo ee diirshe waxuna la kaashaday asxaabta eey isku manhajka yihiin, waxii talo la isla gorfeeyaba waxaa la isla dajiyay kaartadii lagu howlgali lahaa.
Maalinti kaartada  la dajiyay isla habeenkedii ayaa Qalocow waxuu wacay   Diirshe   waxuuna usheegay inuu doonaya ineey beri subax  kuwada kulmaan goob ka baxsan hoteelka  uuna u hayo Qorshe aad u fiican , diirshena  waxuu  yeri waxba kama qabo balse  berito iima suuro gali karto inaan kulano  maxaa yeelay  wan  mashquulsanahay firaaqana  kuuma heli karo, laakiin aniga ayaa dib kaaga soo  sheegi doono xiliga aan  firaaqo  hello. Diirshe waxuu soo  kala maarayay shaqada iyo sidii loo kale geli lahaa kaltanka waxuuna soo qaatay fasax malin ah asagoo ku andacooday inuu xanunsanyahay  una baahanyahay xoogaa nasasho ah .
Muda 3 cisho kadib  Diirshe waxuu qadka taleefanka kala xeriiray  qalocoow una sheegay  ineey wada kulmi karaan maalint khamista   fasaxna uu kasoo qaatay  shaqada, ee hadii adigana firaqo leedahay isku kaana keen  . Qalocowna waxuu ku yiri diirshe waa ok nooga dhig khamista barqadii waxuuna u tilmaamay maqaaxi laga shaaho u ku taala  suuqa xamarweyne. Diirshe  waxuu horay usoo maray kabarkii qaadka  uu ka qaadan jiray waxuuna horay usoo qaatay 2 marduuf oo qaada iyo dhowr baako oo sigaara waxuuna  yimid guri eey leedahay gabar eey ilma adeer yihiin oo ku yaala xaafada  hodan, isla markiiba waxaa loo goglay jalbeebka guriga waxaana loogu tuuray  shaah Nooca   loogu tala galay qayilaada si fiicana loo geedeeyay.  diirshe waxuu soo fariistay gogashii loo dhigay  waxuuna bilaabay qayilaadiisii kadib  markuu kala shaandheeyay laamah qaadka asagoo usii kala qeybiyay sedex xermo ,Mar eey marqaanka meel sare u mareysu ayaa waxaa qac ku soo yeri balanta uu beri la leelayahay qalocoow waxuuna gudagalay inuu naftisa weydiiyo tallow   ninkaan maxuu kaa  damacsanyahay uu kaa doonayaa qorshe ceynkee ah ayuu kuu hayaa  ma shaqo midan ka fiican buu kuu sheegi doonaa…….. waxuu  madaxiisa isla dhex maray su,aalo iyo jawabo  badan  ugu danbeytiine waxuu yeri bal aan aragno beri meel ma jirtee waxa ka haray  waaba saacado qura. Habeenkaasna waxuu ku beryay guriga gabadha eey ilma aderka yihiin. Asagoo halkaas doonaya inuu uga baqoolo balanti beri kala dhexeysa Qaloocow.
Maaliintii khamiista abaaro 4saac  barqanimo  ayaa waxaa lagu kulmay maqaayadii lagu balamay   eek u tiilay degmada xamarweyne.  Salaanta markii laka qaaday leysna nabdeeyay kadib, ayuu qoloocow asagoo codka hoos u dhigaya bilaabay inuu afka  usoo dhaweeyay diirshe waxuuna u sheegay inuu macrifo dhow yihiin ninka ugu sareeyo xaga fulinta  A-lshabaab ee gobalka banaadir. Diirshe oo Dhakafaarsan lana yaaban ninka hadalkiisa ayaa lasoo boday  oo hadase is taqaanaan kaas miyuusun tuug tuug dhalay ahayn, oo dadka  soomaaliyeed dhameeyay.
Qalocow ayaa hadalkii qaatay kuna yeri sidaad mooday  maahan xaalka diirshe ninkaas waxu kuu ogalyahay lacag waxuuna rabaa uun kaliyah howlyar oo dhib badneyn inaad u fulisid ayadoon cidna ku garan doonin. Diirshe markeey dhagahiis lacag kusoo dhacday waa is badalay wana soo dabcay xoogaa. Waxuna weydiiyay waa maxay howsha?
Qalocow ayaa ku yeri howsha waa laguu sheegayaa ee adiga diyaar ma u tahay inaad wax nalaqabto. Diirshe ayaa ku yiri lacagta  ley siiinayo ii sheeg waa  imise markaas ayaan kuu sheegayaa. Qalocow ayaa ku yiri waa 10kun dollarka mareykanka.
Korneyl diirshe oo layaaban lacaga tiradeeda warkaasna aan  rumeysan  weli  ayaa waxuu lasoo booday maxeey tahay howsha. Qaloocoow ayaa ku yiri waa laguu sheegayaa ee adiga  Diyaar ma tahay inaad fuliso . Diirshe ayaa ku yiri war wax walbaan idiin  sameynayaa hadii la cagtaas aad sheegtay  eey run idin ka tahay ee aad isiineysaan.
Qalocow ayaa ku yiri waa naga run taas haka baqin lacagta waa lagu siinayaa. Aniga ayaana kuu soo sheegaya sida howsha loo qabanayo.
Maalintaas  halkaas ayaa lagu kala tagay waxaana lagu balay in taleefanka akhbaarta lagu kala qaato.

Diirshe   shaqadisii  ayuu ku noqday kadib maalin fasax ah. Waxaan mar kasto ku soo maaxanayey madaxiisa lacagta loo sheegay  tiradaade  waligiisna  xataa kuma  riyoon lacagtaas  Nolashiisa,  lacagta ugu badneyd ee soo gasho mar qura  abid ma gaarin 5boqol oo dollar.
Waxuna bilaabay inuu ka fakiro qorshahaan waxuu talada gorofeyaba waxaa usoo baxday inuu howshaan fuliyo marba haduu lacagtaas helayo, maahan nin yaqaan Naxariis iyo cabsi toona  kumqna qornaba qaamuuskiisa  nolasha beni adamkana maahan nin eey qiimo ugu fadhiso.

Qalocow iyo Ragiisa waxeey   diyaariyeen  lacagtii  iyo Qalabkii lagu howl gali lahaa .Muduo 7 cisho kadib  kadib ayuu waxuu wacay dirshe una sheegay ineey diyaar yihiin. Dirshe waxuu  ugu jawaabay inuusan  waxba ka fuleyn dhinaciisa ayadoon lacagta lasiinin marka hore. Waxaa dhex martya dood dheer oo ku subsaana xiliga lacagta la bixinayo balse ugu danbeyntii waxaa laysku afgartay  in lacagta kalabar lasii bixiyo inta kalana la dhemeeystiro markii howsha la fuliyo kadib.
 Markii  arinta lagu heshiiyay ayaa Diirshe  waxaa loo sharxay sida wax loo fulin doono. Iyomxiliga la fulin doono intaba.
Isla subixdii ku xigtay   qaloocow waxuu diirshe u keenay lacagtii 5kuna, markii Diirshe  lacagtii  gacanta loo galiyay farax dartis dhulka ayaa  la wareegay dhidid waa weyna kasoo yaacay.  Waxaana  lagu balamay in galabta casirkii oo ah xiliga dadka ugu badanyihiin  la fulin doono howsha howsha.

 markii la gaaray 5galabnimo ayaa  boorso waxyaabah   qarxo laga soo buuxiyay laguna xakumi karo aalada loo yaqaan Remoteka  loo soo dhiibay wiil  20 jira  oo ka tirsan  ah Al-shabaab u jeedkana yahay in gudaha loogaliyo hoteelka, boorsadana   Waxaa ladhigay goob dadku  ku badanyihiin. wiilkii waxuu ka dalbaday  qebta cabitanada koob coffeeya waxuuna joogay mudo 15 daqiiqo ah kadibna wuu  meesha uga tagay boorsadii . Markuu sii maqanyahay 5 daqiiqo ayaa boorsadii  qarxaday meeshiina waxaa ku dhaawacmay kuna dhintay Dad badan oo iskugu jira masuuliyin Dowlada iyo dad shacaba.…...

Dhamaad.