Wednesday, 29 July 2015

AF DOORSAMAY IYO DAL DARSADAY



Luqad walbo uu wdan leeyahay waxeey calaamad utahay ilbaxnimada  iyo jiritaanka  umadaas. Xaqiiqdii Afkeenii hooyo waxaa ku socdo dabar go, hadaan loo gurmana wuu dhumayaa.
Dadyowga wadamada reer galbeedka  usoo baxay somalida uguma horeyn, waxaa jira wadamo badan oo naga horeeyay lakin caruutooda meysan katigin  Afkoodii hooyo & dhaqankoodiiba.
Somalida qurbah timid intooda badan caruurtooda ma garanayaan afkii hooyo, Waxaana jirto isfahan daro xaga luqada ah oo ka dhex aloosan waalidiinta iyo caruurtooda. Cunigii asagoo somali ku abtirsado uusan hadana afkiisii aqoon waana ayan darada nagu heysato qurbaha.
Mushkilada luqada  kama jirto qurbaha kaliyah,balse wadanka gudihiisa waxaa ka jira hoos u dhac xoogan oo ah isticmaalaka afka somaliga.
 Markaad magaalad dhex mareyso waxaa arkeysaa meharadah intooda badan ineey ku qoranyihiin afqalaad. Markii xataa aad joogto xarumaha dowlada oo aheyd halkii loogu hiilan lahaa luqadan sii dabargoeysa waxaad arkeysaa shaqaalaha dowlada ineey ku subcinayaan english  jajaban AFQALAAD AQOONTU MIYAA ...MAYA MAYA. Englishkas jajabana aqoon kale uma dheera intooda badana waxaa lagu keenay garab ama 4.5.
Aad ayaan   uga murugooda  dandara heysata afkii hooyo, waxaa jirto somali badan oo caadeysatay isticmaalka  Englishka gaar ahaan  baraha bulshada ama saxaafada  haba ugu horeeyaan siyaasiyiinta.
Taasi iyadooy jirto hadana waxaad arkeysaa goobaha ganacsiga lacagaha la isticmaalayo waa lacago qalaad. Markas baan niyada iska iri magaaladan ma weysan aheyn caasimada wadankii la oran jiray "Jamhuuriyada  Dimoqaraadiga Somalia"
Anigoo sidaas u fajacsan ayaan Waxay dani iga gashay  xerada xalane markan goobtas tagayna waxeey indhaheygu qabteen wiilala aan deris aheyn oo fasal  ku jiro oo baranaya  afka ugandheyska, wiilashii baan Af somali ku salamay wax ii jawaabay maleheyn shib ayaa leyga yeri, markay soo baxen ayeey ii sheegen inaan la ogoleyn in fasalka gudihiisa laga ogoleyn in lagu hadlo Af somali, waxaa kaloo fasalka  joogay rag dowlada xilal ka hayo oo eey wasiiro kamid ahaayeen mana doonayo inaan carab baabo sababo amni daraadeed. Meeshii ayaan kasoo cararay anigoo argagaxsan calooshana i hureyso.
 Markan arkay xaalada gobalka  Banaadir  siduu tahay ayaan is iri bal soo fiiri gobalada kale bal ineey sidaan  wax dhaamaan. Waxaan rabaa markaan inan aado jubada hoose, Kisamaayo boosteejada markaan tagay anigoo rabo inaan boorsaani ka raaco ayaa leygu yiri wadada waa qatar badantahay dhulkoo dhana waxaa heysta ninman Calan madow  wato qofan ayaga raacsaneyna qasha, balse diyaarado ayaa aado hadaad rabto, tikid ayaan goostay subixii xigana waxan kasoo dagay garoonka magaalada kismaayo. (Kismaayo  iyo Kistada),kisteydana horan usoo qaatay. Dadka waxaa  baarayo nin madow  oo xoogbadan, markan usoo dhawaaday ayuu af aan aqoon igula hadlay, anigana 4 xaboo  Englisha oon yaranteydii bowsaday  jeebka danbe kala soobaxay, balse nasiib daro ninka  English musan aqoon.Adiga waxan gacmaha isku taag taagnayba ileen shan faroole isma fahmi waaye waan soo gudbay. Waxaana aad ugu careysnaa anigoo wadankeygii hooyo  jooga in nin ajnabiya  i qashqashaado.
Waxan dagey hotel subixii xigay ayaan usoo qasdayay inaan la kulmo Mamulka meesha ka arimiyo siyaan ugu gudbiyo cabaso ka dhan nin aan afsomali aqoon sababta uu ariboorka  uga shaqaynayo !!
Markan soo galay  xafiiska ayaa leeygu yiri xooga sug  madaxweyna mar dhow ayuu imanayaa. banaanka ayan soo fariistay, qol  ii dhowaa ayaan waxaan ka milicsaday rag badan oo nin tuute labiwan cashir siinayo  xoogaa markaan usoo dhawaaday ayaan  arkay humaaga nin koofi barwaani wata oo gar gaduudan, si aan u xaqiiqsado qofkaas ayaan daaqada kasoo istagay qolka waxuun ahaa Axmed islaan waxaana garabkiisa  midig fadhiyay Ganaral Fartaag waxa la barayaa luqada sawaaxiliga. Meeshii ayaan cabashadaan watey  ku laqay, waxaana kusoo noqday hotelkii aan daganaa. Galabtii markaan is iri magaalada soo dhex mushax ayaan arkay dhalinyaro fara  badan oo dhigta iskuulo lagu bafra afka sawaaxiliga markaan weydiiyay sabata logu daatay sawaaxiliga waxey igu dhahen qofan  sawaxili aqon shaqo ma helayo,Waaba "gadaroo dibidhal".
Waxan soo aaday dhinacaas iyo baay waxaan kusoo jeedaa beydhabo janaay. Waxaan imaaday magaalada oo gebi ahaanba looga hadleyn afkii aan aqiinay Da,weynta waxey ku hadlayaan Afka maayga dhalinyarad oo dhana waxeey ku hadlayaan Af amxaari, cid aan kala sheekeysto ayaan ka waayay magaalada. Waxaas intaas dheeraa  meeshii aad istaagtaba waxaa ka taagan calanka itoobiya iyo calanka maamul gobaleedka Konfur Galbeed,maba arkeysid calankii shanta xidig lahaa. Xataa isma moodeysid inaad somalia joogtid,waxey igu noqotay" KUD KA GUUR EE QANJO U GUUR"   waxaan meel la fariistay ooyin  iyo tiiraanyo kadib markan xaqiiqsaday in wadankii la dhihi jiray JAHUURIYADA SOOMAALIYA  geeriyooday,inkaar ayaan dusha uga tuuray  kuwii naga dumiyay dowladii dhexe.

Dhamaad.
Dr.Beileh

No comments:

Post a Comment