Waxeey aheyd maalin arbaco abaare barqadii subaxnimo , waxaa lagu jiray bisha marso oo ah bisha ugu kulul geyiga somalidu degto waxaa guriga iigu soo galay nin saaxiibkey qaaliya balse in muddo ah ismoogeyn oo dhawaan kasoo gurya Noqday mida kamida wadama reer yurub, waxuu gacanta ku watay caagad yar oo biyaha nooca loo yaqaan caafi ama jeema ku jireen.
Ninkaan isoo booqday waxaa lagu magacaabaa Kuukaay. waa nin aanu saaxiibo lilaahiya isku ahayn kuna soo wada barbaarnay magaalada baladweyne ee gobalka hiiraan. waxaanu nahay isku fil Waa sxb nafta aan is dhaafsano, dugsi quraanka maalin qura ayaa nalawada geeyay kadibteed kalamaan hari jiran waxaan isku aheyn ul iyo diirkeed, waxaana nala dhihi jiray mataanaha waligedna kumaan kala harin ciyaaraha caruurnimada la dheesho sida Nacash, Owl, Quful albaab,Abiteey iyo wixii lahal maala oo markaas lagu kacsanyahay waxaanu aad u jecleen kubada cagta oo xilaba nooma eysan laheyn waxaanu ciyaar jirnay xili walba iyo meel walba aanu kaaso gaarno.
waxaanu kubilownay yaraanteenii Bugle waa nooc kamida kubad macmala aanu gacanta ku sameyn jirnay waxaa laga sameyn jirnay calala jarjara oo iskaalsho lagu gurayo gaar ahaan nooca askarta oo loogu xilan jiray weynaashaha iyo dun adeeg.
Markii danbana waxaan u dalacnay bonooni loo yiqiin berigaas super waxaanu ku noqonay labo xariif ilaa ciyaalka xaafada nagu kala naaneeseen Beley iyo Maradona. Markaan soo yara weynaanay waxaan isla bilownay gelida filamada gaar waxaana sigaara usii jecleen filamada loo yaqaan Agente weligeedna filam nama seegin, si kasto lacagta filimka lagu galaya lagu soo helo, marmarna shuut(free) ayaan ku geli jirnay mararka qaarna midkeen ayaa loo fuuteyn jiray, wiilasha bilyeetiga jara ayaa tix gelin gaara ina siin jiray maadaama aanu aheyn labada xariif ee xaga banooniga laga danbeeyo. Waxaanu soo gaarnay xiligii wiilasha qaan gaaray haasaawo tagi jiray.
Galab dheer ayaanu labis isku taagi jirnay, surwaal kaakiya iyo shaati Polo ah iyo kaba kooyo feero ah oo si fiican loo luujiteeyay dhexdana waanu dhuqsan jirnay, timahana waa aafro elfis leh istiilka labiska aad ayaan iskaga tiirin jirnay , Gabalka markuu sii liicayana waxaan socod kusoo kala bixin jirnay daafaha xaafadda si waloo gashanaatida ama hablah foodleey ahi noogu ogaadaan inaan nahay barbaar haasaawe doona.
Gabalka markuu dhacana waxaan gaad gaad ugali jirnay gabar waloo guriga banaankii adeeg looga dirayoo gaarna aan laga heyn inaan dhinac kalaqabsano, iyadoo qaarkood markaad lahadasho caytinta kasoo horeyso kuwa noocaasana xaafada waa leysku sheegi jirin waxaana dhihi jirnay dhagweyn loomana dhawaan jirin, balse waxaa jiray in badan oo wax kula fahmaayo.
waxaan sidaa in muda ah kusoo jirnay markii danbe waxan ku haasaawo tagi jirnay balamo, waxaan noqonay wilal sheekadooda aad loo xiiseeyo, mararka qaarna waxanu uga sheekeen jirnay gashaantida filamada aadka loogu jeclaa berigaas, taasna waa mida keentay inaan xiisa gaara naloogu yeesho.
hablaha xaafadana intoooda badan waxaanu ku ekeenay shukaanse iyo haasaawe marka laga reebo inyar oo Maqabiya ahaa iyo kuwa kaloo aabayaashood bud la ag fadhin jireen waardiyana ladaba dhigay, bal adiguba waa ku kaasaaye boojaal la waardiyeeyo ugal ,maqabiyana warkeeda iskaba daa.
ilaa aanu marki danbe u qaraab tagi jirnay xaafado kale anagoo doolla, markaa doolka tahayna waxaad leedahay xiisa gaara.
Intaas markaan kaga baxo dhalinyaranimadeenii, iyo waayihii xiisaha badnaa ee noloshena. Sidaad oksontihiinba bilowgii 1991 wadanka eey ka dhaceen dagaaladii sokeeya ii dhiiga faraha badan ku daadteen, qofkana loo dili jiray inuu ka dhashay reer qansax ama reer quruc asagoon waxba galabsan dadkiina kala irdhoobeen kalsoonadii dhuntay.
Kala qaxii iyo kala cararkii qoys kasto waxuu beegsaday meeshuu islahaa waad ku nabad geli kartaa , dad badani dadnta waxey ku xanbaartay ineey ku qaxaan tuulooyin fog fog ama miyiga.
Waan isweyney aniga iyo saxiibkeey , in mudanaa warkiisa iyo wacaalba kalamaan helin anigoo ogeyn halkuu ku dambeeyay kuna sheegi Karin geri iyo nolol toona, asagana sidoo kale ayuu ii weysana.
muda dhowr sana ah markuu xaalka sidaa ahaa, dagaaladii sokeeyana xogaa yara qaboobeen is dhexgalkii dadkana soo noqday ayaan soowada guryo noqonay dibna iskula kulanay kadib markaan mudo aan arkin aniga iyo sxbkey, meeshana waa magaaladaan ku soo barbaarnay yaraanteenii waa baladkii baarta dheereed iyo buundadii liiqliiqato.
Kadib Markaan dib isku haleelnay aniga iyo saaxiibkeey , ayaan galab kasto waxaan isku arki jirnay maqaaxi shaax oo eey laheyd gabar la yiraa xaliimo dheer, waa inan qurux ilaah ku maneystay aadna u sheeh maceeyd sidaa daraadeed ayaa maqaydeda ugu kalyati badneyd magaalada , rag badani waxeey usoo aadi jiren maqaaxida ineey quruxda xalimo ku il qabowsadaan.
Waxaan in mudaa wada joognayba aniyo sxbkey wadankiina eey ka jirtay shaqa la,aan baahsan. Dhalinyaradana xaafadana waxeey bilaabeen iney xabad xabad u iyo koox kooxba u tahriibaan ayagoo beegsanayo wadama kala duwan si eey u helaan nolal dhaanta mida wadanka kajirto. Sxbkey kuukaay ayaa galab kamida galbaha si kadis ah iigu soo bandhigay inaan wada tahriibno mar hadaan waxba laheyn oo guryaha leyska joogo. Anigana waan ku gacan seyray, waxaana ku iri intaan dhul shisheeye darxuma ugu dhiman lahaa aan dhulkeyga ku dhinto. Bals saaxiibkey uma cuntamin jawaabteyda.
Waxuu durbadiiba bilaabay inuu raadiyo dhalinyar tahriiba oo uu ku lug darsado. Waxuu qarashka tahriibka usoo diray nin aderkiisa ahaa oo mudo ku maqnaa sacuudiga. Uma sheegin hooyadiis inuu tahriibayo sida inta badanba dhacdo waa ka qariyay .
Saaxiibkeyna cagtuu wadada saaray waxuuna qabtay dhinacaas iyo itobiya , sudan ,libiya ,badda ,talyaaniga. Waxaa isla subixii xigayba guriga igu yimid hooyo batuulo oo ah sxbkey hooyadiisa waxeyna I weydiineysay inuu kuukaay xalay ila jiftay iyo in kale waxaana ku iri maya eedo ilama jiifan aad ayeey uga naxday waxana ku dhishay islamarkiiba amaa xalaybaa la dilay, kadib waxaan galnay or orad iyo baadigoob meel kastana waan laga waayay ninkii , markii danbe ayaa loo shaagay hooyo batuulo in curudkeedii tahriibay, markaas ayeey xoogaa laabta u qabowday ,kadibtena waxeey bilowday ineey u duceyso inuu ilaaheey nabad geeyo halkuu hiigsanayo wiilkeda oo ah yurub.
Sxbkey waxuu sii dhac dhaco oo uu sii kuf kufaba ugu danbeyntii waxuu cagta dhigtay swedan oo aheyd halkuu ku talamayay asagoo weligii wax diyaarad la yiraa labadiisa cagood saarin. In markuu 7sano ku dhawaad sii maqanyahay ayuu dib ugu soo noqday somaliya asagoo aad isku badalay, eeyna adagtahay inaad durbadiiba aqoonsatid. Waxuu igu yimid anigoo weli joogaa meeshuu iga tagay waxuu iigu soo galay guriga asagoo gacanta ku wato caag yar oo eey ku jriaan biyaha caafi. halkaas ayuuna iiga biloway inuu iiga sheekeyo nolashisa mudadii aan kala maqneyn laga bilaabo safarku uga ambabaxay magaalada, dibna aan iskula xusno taariikhdii dheereed aan soo marnay yaraanteeni.
Waxuu waqtiga nala sii siqaba shekadana eey isku sii diba dhacayso sxbkeyna quraaradii uu biyaha ka nuugayay eey ka dhamaadeen ayaan waxaan galas biya qabow uga soo daray aashuun yar oo i ag yiilay, waxuuna igu yiri war aniga biyahaan caafigaas aheyn ma cabo oo calaashaa igu xanuuneyso, intaan qoslay ayaan ku iri sxb biyaha waad kuwaa weligaa cabi jirtay adigiina waxaa tahay weli kuukaay ee ma swedanbaa lagaa soo amray sheekadaan. Waxey dani keentay inaan dukaan inuu dhowaaa 1litter caafiya laga dalbo.
Subaxaas ayeey igu dhalatay inaan anigana tahriibo si aan biyahaas caafiya markaan soo noqdo iskaga nuugo.
Dhamaad.