Monday, 27 June 2016

What Kind of Generation Will the Increasing Number of Educational Centers in Somalia Produce, Destructors or Constructors?


Why we need an education is the question I am going to begin with my essay and by answering this I choose to cite the famous work of Jean Jacques Rousseau. In his book Emile, or education, Rousseau put; We are born weak, we need strength; we are born lacking everything, we need aid; we are born stupid, we need judgment. All that we lack at birth and that we need when we are growing is given by education”.
Anyone with eyes open should wonder the question of the tittle; what kind of boys and girls are we expecting from these schools, institutes and universities? Because as far as we are aware of the fighters of the rivaling groups (whatever we call them) in Somalia are not all illiterate besides, some of them have really university level education, but they are killers, they even not only kill the enemy but the innocents, why? For my part I have no a satisfactory answer to this question instead I can share with you one important thing which
I believe that you may also speculate; there is a great difference between to be a man, a man with an open heart ready to be filled and to be a citizen. And if you don’t become the one you can never be the other. So I think that those fighters have failed to be citizens so that they remain to be man and as a result they are used for personal interests by so- called leaders.
The very little I know plus my experience suggest me that every human action directs to an end and that is to say even my writing to this essay has an end and it may also be possible to have two ends; One is to let you know that there is a fellow citizen who cares and at the same time admires the personal contributions you make for those who are in need and the other one is that to engage you in order to reflect a little bit why you are doing what you are doing.
For the answer of the above mentioned question is going to give me both a hope and ability to imagine how the future generation will become, because the ”children” you are educating today will be the potential leaders of tomorrow. They will be leaders who will deal with the different challenges and problems left unsolved by so-called today’s leaders. Knowing that those children live in a country where civil wars are commonplace. Moreover, most of them have no good role models whom they would see through who they will become.
Soo Dhalo Hooyo is a challenge for you, teachers
When it comes the issue of the Somalia children generally and particularly those who have been born the last 20 or 25 years, i simply remember Mohamed Lafools & Tooxows song (Soo Dhalo Hooyo).
This song is about a baby in its mother’s womb who, in the last when the nine months completed and the mother was about to deliver, has refused to come out of the womb because of the problems on the ground.
In this respect the children you are educating to day have come out of their mothers’ wombs against their will and now they have no choice to go back to their mother’s womb where they had everything that was necessary for their existence and preservation.
In the light of this song these children live in Somalia now, because they are compelled to; they know that there is a better place on earth to live in but they can’t go.
I really criticize those people who impulsively advocate the theory of educating children without knowing why they are doing so. For many whom I have asked the question; why they educate children or on other words why they contribute so that the children to be educated? they have not succeeded to give an adequate answer not that they have not put it as I wanted but that all their answers have not reflected the reality on the ground.
This is not because that they don’t think realistically but that they are not accustomed to be inquired such questions. However, this doesn’t mean that the answers you even would give out of the question will also suffer the same fortune.
Here I am going to stop my task of writing this essay with a question which possibly will wake the attention of many of you and I hope that this will pave the way for many future “discussions” on the subject. With all that examples I have given; what kind of generation are we expecting from these educational centers?
Writer Ali Amin

Thursday, 23 June 2016

The death of Somali Identity

Just after the collapse of Republic of Somali all Somali people suffer a single disease which is losing their own identity, that is why you will see a Somali person searching another passport because he/she  believe that to be a Somali person is not appropriate, since Somali is labeled by terrorism, piracy all bad altitude.
The worst thing is Somalization which is one of the latest words added by English language, meaning of Somalization is destruction state or states under violence, such as Syrian Somalization, Yemen Somalization, and this is the worst description about a human being to define as violence society.
There are states that have longer conflicts then Somali such as Palestine since 1948, meanwhile India and Pakistan there is constant war among them but there is no single word that defines them as violence nations: why Somali people just suffering under these circumstances for the last 25 years only? The curse that happen the Somali society is equal whether the South or the north because they share same identity “Somali” if being Somali is by birth then whether you accepted or rejected you are what you were born, but if being Somali is something adopted then you can remove it for your identity; here is the question can a person erase his/her identity, a tree can’t hate his root, we are Somali people and it’s our duty to being back our identity and to feel full of pride being a Somali person.
Losing identity is not easy thing it would cause losing the whole nation, if you don’t know who you are? Why are you a Somali person? What is the purpose of life? The answers of these questions are what makes a human to feel like being valuable human to this globe, besides its clear for a Muslim person the purpose of a life “ to worship ALLAH , the creator of all along “, who you are ? you are a Somali person the braves of the horn of Africa, you are from nation that was ones in history one of the most powerful nations in Africa, Somali person is the owner of the second longest coastline in Africa, feel proud that ALLAH has chosen you to be this wonderful ethic group, the people that being good for their guests, the people that being good for war, the people that being good for peace, good in every dimension of life.
Of course loosing identity is worst thing that can a human phase; this was cause by long civil wars that happen in this country, and low level of quality education.
By Nasro Dahir

Friday, 18 March 2016

Maxayna Dhexyaal: Hurgumo mise Hunguri?

Su’aasha kor ku xusani maaha midaan anigu maankayga ka keenay. Waa su’aal jirta oo dood weyn dhex dhigtay ku-xeeldheerayaasha cilmiyada buslshada, dhaqaalaha, iyo siyaasadda. Waana su’aal ay ila noqotay inaan maanta idin soo hordhigo, si aynu u wadaagno aqoonisweydaarsi ku saabsan aafada ummaddeenna Soomaaliyeed halakaysay iyo barta ay tahay inaynu maanta ka abbaarro.
Maxaa colaadaha sokeeye kiciya, maxaa sii holciya, maxaase soo-afjariddooda iyo xalkooda adkeeya?

Guud ahaan laba aragtiyood ayaa ii soo baxay: Mid leh dagaallada sokeeye waxaa dhaliya oo dhinacyada is haya kiciya, colaaddana sii holciya damac iyo hunguri; iyo mid taa kaga duwan siday colaaddu ku bilaabanto, kalase mida siday ku dambayso. Haddaba, anoo aan sii dhex muquuranayn doodda tafaasiisheeda hoose, nuxurka aniga iiga soo baxay doodahaa iyo daraasadahaa wuxuu yahay inay colaadaha sokeeye, say u badanyihiin, maraan jaranjaro laga bartay colaadihii sokeeye ee Lubnaan, Angoola, Siiraaliyuun, Koongo, Afqaanistaan, Koolombiya, Guwaatemaala, Beeruu (Peru), Soomaaliya, iyo kuwa kale oo la mida.

Colaadda sokeeye waxay, sida qaalibka ah, ka unkantaa dawladda oo gabta xilka ay shacabkeeda u hayso. Xukunka dawladda ayaa waxaa maroorsada oo isku kooba ruux ama koox, kuwaasoo ku takrifala hantida dawladda iyo khayraadka ay dadku wadaagaan. Hay’adihii dawladda, xidhiidhadoodii, iyo xeerarkoodii rasmiga ahaa ayaa caynwareega oo macna beela, waxaana halkoodii gala xidhiidho iyo is-fagaradya hoose oo aan la qorin lana shaacin, kuwassoo ku qotoma eex, naas-noojis, iyo kala-gudbin. Dawladdii waxaa kasoo hadha qalfoof iyo hummaag dawladeed (shadow state).1 Dabadeed waxaa lama huraan noqda in dadweynaha badidii ay u muuqato inay dawladdii sagratay. Markay dadweynuhu isku dayaan inay cawdaanna xadhig iyo cabbudhin bay dawladdu kula kacadaa. Hadda bal bartaa aynu ku yara hakanno.

In yar oo toos ugu xidhan qawleysatada dheeftii dadku wadaagey isku koobaty mooyi eh, shacabku darxumo wuu ka simanyahay. Marka uu xaalku halkaa marayo, dalku wuxuu u kadanyahay colaad sokeeye. Xaabadii dabka lagu shidi lahaa waa diyaar; waxaase dhiman xolod dab ah oo lagu dhextuuro, taasna waxaa la yimaadda kan siyaasadda ka macaasha (the political entrepreneur).2

Siyaasad-ka-macaashe, arrin cusub ayuu meesha ku soo kordhiyaa: Baahidii iyo darxumadii ay, in yar mahee, dadku ka sinnaayeen, ayuu wuxuu foodda u saaraa oo u aaneeyaa haybta (identity)wxuxuuna ka dhaadhiciyaa inta uu taagerada ka rabo inay darxumadoodu ku timi ula-kac iyo cadaalad-darro iyaga si gaar ah loola beedgsaday, taasoo loollankii u yeesha caqiidad (creed) fasirta sida wax u jiraan, qiilla u noqota siday tahay in la yeelo.3 Kooxdii dawladda u talineysey iyana sidaa si la mida caqiidad taa hore lid ku ah ayay taageerayaashooda, aanay marnaba waxtariyo ciirsi toonna u lahayn, ka dhaadhiciyaan, taasoo ah in kuwa dawladda ku kacay ay hayb ahaan u keceen iyagana jiritaankooda halis ku yihiin. Laba qoys oo deris ah, haybse ku kala duwan, oo labaduba isku si u wada tabaalaysan, midkoodnana aanu dawladda dheef ku qabin, ayaa collooba oo mindiya isu qaata, waxaana halkaa ka qarxa dagaal sokeeye oo ku salaysan wax
lakala aamminsanyahay kase durugsan runta. Caqiidadaasi waxay ku salaysnaan kartaa diin, sida Lubnaan, ama kala-sarrayn dhaqan-dhaqaale, ama hayb qabiil sida tan Soomaalida oo kale. Kaalinta kuwa macaashaka ka daya siyaasaddu ay ku yeesahaan dagaallada sokeeye waxaa tusaale fiican u ah siduu dagaalkii sokeeye ee Siiraaliyuun ku bilawday iyo siduu isu rogey. Wuxuu ku bilawday kacdoon ay horseed ka ahaayeen arday xaq-u-dirir ah, waxaase kala wareegey kooxo aan damac iyo hunguri mooyee wax kale deeqin.4

Si kastaba ha ahaatee, colaadda iyo dagaalka sokeeye waxay ku dambeeyaan saddex midkood:5

1) Libta oo koox raacda, kooxdaasoo kooxaha kale wixii ay damacsanayd ku sandulleysa (asymmetrical victory);
2) Ismariwaa xanaf kulul oo kooxaha wada xanuujiya oo geyeysiiya inay xal doorbidaan (hard symmetrical or mutually hurting stalemate and resolution);
3) Kala-gurasho koox kasti danteeda ka dhex aragto, iyo loollan joogta ah oo dhidibbada aasta (soft, stable, self-serving stalemate and entrenched conflict).

Labada xaaladood ee hore xal ayaa laga gaadhi karaa, xaaladda saddexaadse xalkeedu wuu adkaadaa, waana tan ay maanta Soomaaliya ku sugantahay. Waa maxay sababtu?

Loollankoo sii daba dheeraadaa wuxuu keenaa in qorhsihii caqiidada ku dhisnaa ooy koox walbi iska dhaadhicisay uu rumoobiwaayo; waxaana halkeedii gala damac iyo hunguri (greed);dabadeedna xaalku wuxuu isu beddelaa:

Nin quwaax hela, nin qadhoon hela, nin qar dheer kora, nin iskaba qada ha la qarafsado….

Damaca iyo hungurigu waxay colaadaha sokeeye ku soo kordhiyaan dhaqamma aan lag fili karin. Tusaale ahaan, Yuguslaavia markay burburtay ooy dagaalladu aafeeyeen waxaa la arkay kooxa col ah oo haddana dabbaabado kala kiraysanaya.7 Sidaasoo kale, dagaalkii sokeeye ee Siiraaliyuun waxaa la arki jirey ciidammada dawladda iyo RUF-tii ka soo horjeeddey oo dhaqdhaqaaqooda isla socodsiinaya si ay isugu fududeeyaan boobka shacabka, isu-gudbinta hubka, iyo iska-ilaalinta isku-dhaca, taasoo dhalisay inay shacbku ugu yeedhaan cayaar laysla ogyahay (fixed match).8

Damaca iyo hunguriga dadku kama wada sinnaadaan, isku sina uguma wada macaashaan. Horboodayaasha kooxaha ayaa waxay dhisataan nidaamyo boob iyo tala-maroorsi ku dhisan. Waa nin iyo taagtii! Haddana, saasoo ay tahay, bal car yaa runta sheega oo afka ku kala qaadi kara sidanayba iigu badisaa!

Dhinacyadii dagaalku dhexmaray waxaa xukuma oo qareen u ah kuway dantu ugu jirto inay xaaladdu say tahay aanay iska beddelin. Kamase maqlaysid! Waxay dacwaddooda iyo dooddoodu mar kasta tahay qoontiiba lama dhayin!9 Macnuhuna waa hay hillaato!

Bal aynu saanta hore u qaadnee, dawlad caynkee ah ayaa xaaladdaa damaca iyo hunguriga ku dhisan ka dhalan karta?

Waxaan tusaale u soo qaadanayaa Lubnaan. Markuu dagaalkii istaagey, dawladdii la dhisay lama ay iman nidaam dhaqaale oo cusub ee waxay uun sharciyaysay kii dagaalka iyo fawdada ku yimi.10 Waa xaaraantii oo la xalaaleeyey! Oo waa kudkii oo kaba loo tolay!

Akhristow yaan hadal kugu daalinnine, bal maxay kula tahay baa innaga khuseeya xaaladdan ay aqoonyhannadaan hoos ku xusay bayaamiyeen?

Waxaynu ka dheregsannahay sidaynu shan-iyo-labaatan sannnadood burburkii dawladda ka dib weli dib ula soo noqon kari la’nahay dawlad taabba gal ah, iyadoo ay inna soo mareen heshiisyaku- sheegya badan oo wada noqday hal bacaad lagu lisay. Maxaa dibuheshiisiin dhaba innaga hortaagan?

Haddaan dhinac kale ammuurta uga wareego, bal aynu dib ugu laabanno labadii reer ee deriska ahaa aanse isku qabiilka ahayn. Reerkiiba saddex carruura ayay xabbaddu leeftay, darxumada haysataana waa sidii hore iyo si ka daran. Adeegya ay dawlad ka helaanna haba sheegin. Labadaa reer waxay kala raacsanyiin laba maammul. Khad cagaaran baa dhex yaal. Mid kastana waxaa weli ka dhaadhacsan laguna aqriyaa caqiidadii aynu hore uga soo hadallay, caqiidadaas oo ku beertay milil iyo hurgumo.Waxay u baaban yihiin oo u faruurxidhanyihiin cisaabado isku xidhan (siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ) oo aan marnaba oggolayn isbeddel dhaba oo ummadda isu keeni kara.

Shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysani waa inay runta waddanka ka jirta ogaadaan. Taasina waa hawl u taalla xogogaalka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo iskaashada, oo si mug iyo qota leh u baadha, u dersa, uga baaraan dega, ugana warkeena awoodaha dhabta ahee ka jira dhammaan gobollada dalka: siday isugu xidhanyihhin, iyo asaaliibta ay ku shaqaystaan, iyo waxay dadka ku beerlaxawsadaan. (Ogaada, ilka abeeso hoos ka xidhiidhsan).

Odhaah Marykan ah ayaa waxay tiraahdaa, marka dembi la baadhayo oo la furfuri kari waayo, follow the money (lacagta daba gal). Say wax innoogu iftiimaan, halla baadigoobo hantida qaranka iyo halkay marto?

Bal u fiirso, meel kastoo ay tahay, magaalooyinka waaweyn oo dhan, hantidii qaranka ayaa dad gaara laga iibiyaa. Yay dani ugu jirtaa? Dhuxusha debedaha yaa u daabbula? Noolihii badda iyo goomihii shisheeye yaw daldala? Xawaaladuhu cashuur miyay baxshaan? Isgaadhsiintu miyaanay hanti qaran ahayn? Yaa qaadka innoo soo warrida oo ka taajira? Mooskii isaga warkiisa daa! Lacag been ah iyo sicir-barar yaa ku fakhriya oo yaa ka taajira? Dugsiyadii lacag bay noqdeen! Jaamacadihii lacag bay noqdeen! Cusbataalladii lacag bay noqdeen! Biyihii lacag bay noqdeen! Intaba yaa ka hodmoo ka taajira? Danyar yaw dagaallama? NGO maxay tahay ama ahayd? Qandaraasyaa la saxeexayaa! Qalin baa hantida lagu boobayaa! Markaasay haddana tolla’ayeey inna oranayaan! Dhulka yaa ka dawlada?

Ruux walboow waxaad u warhaysid sheeg! Waa waajib qaran! Oo waa siduu Eebbe ummddeenna faray! Saasaa shacabka kuwa maankooda xaday lagaga xorayn karaa. Saasaa daawo iyo caafimaad lagu heli karaa.

Guul iyo Gobannimo!
by Maxammuud C. Geeldoon