Deeqow waa 27 jir degan degmada hodon ee magaalada muqdisho, saaxiibada eey isku xaafada yihiin waxeey ku naaneesaan Qaloocoow oo aha naaneesta uu caanka ku yahay xaafadiisa oo idilna looga yaqaano.
Balse kooxda uu ka tisanyahay ee Ururka Alshabaab waxeey ugu yeeraan abu-maxamed, waxuu ka tirsanyahay kooxdaan mudo 7sano ah. Qalocow waa 3 xaasle waxuuna leeyahay 14 caruura.
Waa nin muuqaal ahaan dheer jirkusana dhex dhexaad yahay, midabkiisuna waa maariin cadaan xigeen ah. waxuu kooxda u qaabilsanyahay dhinaca sirdoonka waa nin aad ugu xildheer khabiirna ku noqday arimaha la xeriira sirdoonka iyo tebinta macluumadka sirta ah ee ku saabsan dadka ka shaqeeya xafiisyada dowlada iyo NGOyada, waxuu kooxda u qaabilsanyahay degmada xamrweyne iyo Hodan. Waxaa jiro oo kale rag badan oo sidiisaas oo kale ah oo ka shaqeeya degmooyinka kale ee gobalka banaadir. Qaloocow waxaa loo xil saaray soo tabinta xogaha ku saabsan dadka taargadka ee sida joogtada ah loo ugaarsado oo kaliyah. asaga wax shaqo ah kuma lahan fulinta Howlahaan.
Qaloocoow waa nin marna aan lagu tuhmi karin inuu ka tirsanyahay koxda Al-shabaab marka loo eego qaabka uu ulabisto, waxuu inta badan fadhiistaa Hoteelada iyo maqaaxiyada laga sheeho ee Degmada Hodan iyo xamarweyne
Waxuu iskaga dhex gooshaa maqaayadaha ama hoteelada ku dhexyaal 2bada dagmo ee loo xilka saaray.
Qaloocoow waa nin aad iyo aad u furfuran si dhaqso badana dadka u barta una dhex gala waxuuna dadka u muujiyaa bashaashnimo, waxuuna iskugu sheegaa inuu ka shaqeeyo mid kamida wasaaradaha dowlada . Waa nin hadal macan sheeko badan oo qofkuu la shekeysanayo uusan wax tuhuna haba yareeta marnaba ka galeynin.
Qolocow waxaay maalin maalmaha ka mida is barteen koneyl Diirshe oo waardiye ka ah mid kamida hoteelada magaalad muqdisho ugu dadka iyo shacbiyada badan waxey u aheyd maalin farxad waxuuna u arkayay fursad qaaliya oo soo martay noloshiisa abid barashada ee isbarteen korneyl Diirshe.
Sida aan Horey ugu sheegnay Korneyl Diirshe waxuu kaabe waardiye kayahay mid kamid hoteelada muqdisho ugu waaweyn oo aanan dooneyn inaan magaciisa halkaan ka xuso sabab amaanka la xeriirta daraadeed.
Diirshe waa 36 jir sxbadiis waxey ugu yeeran korneyl diirshe, dhab ahaanti mahan korneyl cidanka, bulse waa geesi birta calaajiyay, oo dagaalyahan ah kuna xeel dheer xirfadda dagaalka, dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay miduu ka baaqday majirin, Korkiisa rasassta ku taalana mahan mid tiradooda lasoo koobi Karo . Diirshe waa nin muqaal ahaan gaban midabkisa waa madoow dhalaalaya waxuu leeyahay dhool Iyo timo yalaxa waana indha buuranyahay.
Diirshe maalina waligiis qaad la,aan ma noqon waa nin caleenta aad u cuna sigaarkana warkiisa iskaba daa asaga , waqtigiisa inta badanba waa maruu qayilayo ama hurdayo. Diirshe aabihis asagoo yar ayuu geeriyooday, hooyadiisna waxaa guursaday nin kale oo aay isku heeb yihiin. Inta badan noloshiida waxuu kusoo qaatay goobaha dagaalka iyo xarumaha jiridda ku hoyato .waaba fara ku tiris inta uu guriga hooyadiis tagay kadib markii dowladii dhexe burburtay.
maahan nin jixinjixo cabsidana kuma qorna qaamuskiisa.
Korneyl Diirshe wax reera malahan weligiisna ma guursan, iskumana fiicna dumarka markeey noqoto xaga haasaawaha.
Markeey birtii dagalada sokeeye qabowday. qayilaadiisana eeysan isku toosneyn buusarad darana eey soo waajahday , In muda ah markuu ku sugnaa xaaladaas qalafsan.
Maalin maalmaha kamida ayaa waxaa u yeeray nin eey xigto yihiin oo ganacsade weyn ah magaaladana caan ka ah. si dhowna ula socday xaalka diirshe, waxuuna usoo bandhigay inuu kaabe waardiye uga naqdo mid kamid xaruumhiisa ganacsi ee ku yala magaalada muqdisho waana hotel aad u shacbiyad ( kalyanti) badan loona qaro mushar uu ku marayo nolashiisa oo asaga ku filan. Maadaama uusan laheyn xaas iyo caruur toona . Maalintaas waxeey u aheyd maalin farxadeed usan iloobi doonin nolashiisa mar haduu Qayilaadiisa meel loo saaray, maahan nin nolasha qiimo ugu fadhiso waxa ug muhiimsan nolashiisa waa inuu helaa laamaha cagaaran ee loo yaqaan Jaadka.
Qoloocow waxuu iskuga sheegay Dirshe markeey isbarnayeen inuu u shaqeeya dowlada waxuu si isdaba joog ah u yimaadaa hudheelka uu Korneyl Diirshe ka shaqeeyo waxuuna ka dhigtay saaxiib dhow talefanada waa lakala qortay. diirshe mar marka qaar wuuba shaxaadaa gaar ahaan markeey kasoo raagto xoogaaga sunaada ee laga siiyo shaqada, Qalocowna maahan nin wax ka hagrada oo waa nin ujeedo guracan wata waxuuna xoogaagiisa qayiladaa ugu soo tuuraa adeega loo yaqaan EVC Plus
Waxaa ka dhex bilaawday diirshe iyo qaloocow xeriir cusub oo is barasho iyo mid saxibtinimo .
Diirshe wax dareen kama qabo ninkan dhalinyarada ah eey isbarteen dhawaan.Qalocow waxu ku war galiyay Ninka ugu sareeye xaga fulinta iyo ismiidaaminta inuu mar dhow fursad dahabiya usoo gacan gelin doono, balse arinta ee u baahantahay xoogaa waqtiya. Warkaas waxaa aad ugu riyaaqay madaxa fulinta ee kooxda alshabaab.
Qaloocow waxuu si habsami leh usii xoojinayaa iyadoon cidna dareemin xeriirka kala dhexeeye Diirshe oo ah kaabaha ilaalada hotel dadkiisu iyo macaamishiisu aad u badanyihiin kuna dhex yala bartamaha magaalad ee caasimada.
Qalocow maalmaha uusan imaan hotelka waxuu kula soo xeriraa Diirshe talefanka asagoo sidi qof saaxiib ah u xaal wareysanayo sheekadoodana eey tahay mid iska caadiya oo is nabdeenta aan sidaas usii dhaafsiisaneyn.
Waxa maalinba maalinta ka danbeysa isi soo tarayay xiriirka ka dhexeeye labada nin, sidii horay u dhici jirtaba Korneyl Dirshe haduu musharka kasoo raago ama uu ka faaruqo durba sanuuda laga siiyo shaqada sida inta badanba dhacdo waxuu iska shaxaadaa sxbkiis Qaloocow waa dhaqan eey taqaan inta Qayisha badankood, Qalocona markaan waxuu usii muujiyay deeqsinimo oo Qimaha maaliayadeed uu shaxaadka usiiyo korneyla ayuu usii kordhiyaa marba marka ka dambeyso .
Diirshe musharka si goos goosa ayuu kuso gari jiray ayantii danbe, iyaduu sidaa tahay ayaa hadana in muda ah wax mushaara uusan qaadan. balse waxuu geed gaaban iyo mid dherba u koraa siduu u heli lahaa marduufkiisa qaadka oo ah waana sheyga ugu muhimsan nolashisa, waxuuna kusoo qaataa deyn oo buug ayaaba uga furan mid kamida gabdhaha qaadka ku iibiya isgoyska banaadir ee magaalad muqdisho.
Waxuu xaalka saas ahaadaba deyntii looga lahaa Qaadkana eey sii kordheyso, ayuu ku fakiray inu sxbkiis Qalocow lacag deyna ka qaato si uu iskaga sii maareeyo deynta looga leeyahay Kabarka. Arinkii ayuu u sheegay Qalocow,asagana waa ka ajiibay 2 cisho kadibna waxuu u keenay lacagtii una sheegay inuu tartiibtiisa iska keeno xiliguu helo lacag.
Qalocow oo ka war qaba xaalada dhaqaale xumo ee lasoo daristay diirshe, ayaa bilaabay inuu kasoo baaran dago sidii looga faaiideysan lahaa marxalada dhaqaale xumo ee diirshe waxuna la kaashaday asxaabta eey isku manhajka yihiin, waxii talo la isla gorfeeyaba waxaa la isla dajiyay kaartadii lagu howlgali lahaa.
Maalinti kaartada la dajiyay isla habeenkedii ayaa Qalocow waxuu wacay Diirshe waxuuna usheegay inuu doonaya ineey beri subax kuwada kulmaan goob ka baxsan hoteelka uuna u hayo Qorshe aad u fiican , diirshena waxuu yeri waxba kama qabo balse berito iima suuro gali karto inaan kulano maxaa yeelay wan mashquulsanahay firaaqana kuuma heli karo, laakiin aniga ayaa dib kaaga soo sheegi doono xiliga aan firaaqo hello. Diirshe waxuu soo kala maarayay shaqada iyo sidii loo kale geli lahaa kaltanka waxuuna soo qaatay fasax malin ah asagoo ku andacooday inuu xanunsanyahay una baahanyahay xoogaa nasasho ah .
Muda 3 cisho kadib Diirshe waxuu qadka taleefanka kala xeriiray qalocoow una sheegay ineey wada kulmi karaan maalint khamista fasaxna uu kasoo qaatay shaqada, ee hadii adigana firaqo leedahay isku kaana keen . Qalocowna waxuu ku yiri diirshe waa ok nooga dhig khamista barqadii waxuuna u tilmaamay maqaaxi laga shaaho u ku taala suuqa xamarweyne. Diirshe waxuu horay usoo maray kabarkii qaadka uu ka qaadan jiray waxuuna horay usoo qaatay 2 marduuf oo qaada iyo dhowr baako oo sigaara waxuuna yimid guri eey leedahay gabar eey ilma adeer yihiin oo ku yaala xaafada hodan, isla markiiba waxaa loo goglay jalbeebka guriga waxaana loogu tuuray shaah Nooca loogu tala galay qayilaada si fiicana loo geedeeyay. diirshe waxuu soo fariistay gogashii loo dhigay waxuuna bilaabay qayilaadiisii kadib markuu kala shaandheeyay laamah qaadka asagoo usii kala qeybiyay sedex xermo ,Mar eey marqaanka meel sare u mareysu ayaa waxaa qac ku soo yeri balanta uu beri la leelayahay qalocoow waxuuna gudagalay inuu naftisa weydiiyo tallow ninkaan maxuu kaa damacsanyahay uu kaa doonayaa qorshe ceynkee ah ayuu kuu hayaa ma shaqo midan ka fiican buu kuu sheegi doonaa…….. waxuu madaxiisa isla dhex maray su,aalo iyo jawabo badan ugu danbeytiine waxuu yeri bal aan aragno beri meel ma jirtee waxa ka haray waaba saacado qura. Habeenkaasna waxuu ku beryay guriga gabadha eey ilma aderka yihiin. Asagoo halkaas doonaya inuu uga baqoolo balanti beri kala dhexeysa Qaloocow.
Maaliintii khamiista abaaro 4saac barqanimo ayaa waxaa lagu kulmay maqaayadii lagu balamay eek u tiilay degmada xamarweyne. Salaanta markii laka qaaday leysna nabdeeyay kadib, ayuu qoloocow asagoo codka hoos u dhigaya bilaabay inuu afka usoo dhaweeyay diirshe waxuuna u sheegay inuu macrifo dhow yihiin ninka ugu sareeyo xaga fulinta A-lshabaab ee gobalka banaadir. Diirshe oo Dhakafaarsan lana yaaban ninka hadalkiisa ayaa lasoo boday oo hadase is taqaanaan kaas miyuusun tuug tuug dhalay ahayn, oo dadka soomaaliyeed dhameeyay.
Qalocow ayaa hadalkii qaatay kuna yeri sidaad mooday maahan xaalka diirshe ninkaas waxu kuu ogalyahay lacag waxuuna rabaa uun kaliyah howlyar oo dhib badneyn inaad u fulisid ayadoon cidna ku garan doonin. Diirshe markeey dhagahiis lacag kusoo dhacday waa is badalay wana soo dabcay xoogaa. Waxuna weydiiyay waa maxay howsha?
Qalocow ayaa ku yeri howsha waa laguu sheegayaa ee adiga diyaar ma u tahay inaad wax nalaqabto. Diirshe ayaa ku yiri lacagta ley siiinayo ii sheeg waa imise markaas ayaan kuu sheegayaa. Qalocow ayaa ku yiri waa 10kun dollarka mareykanka.
Korneyl diirshe oo layaaban lacaga tiradeeda warkaasna aan rumeysan weli ayaa waxuu lasoo booday maxeey tahay howsha. Qaloocoow ayaa ku yiri waa laguu sheegayaa ee adiga Diyaar ma tahay inaad fuliso . Diirshe ayaa ku yiri war wax walbaan idiin sameynayaa hadii la cagtaas aad sheegtay eey run idin ka tahay ee aad isiineysaan.
Qalocow ayaa ku yiri waa naga run taas haka baqin lacagta waa lagu siinayaa. Aniga ayaana kuu soo sheegaya sida howsha loo qabanayo.
Maalintaas halkaas ayaa lagu kala tagay waxaana lagu balay in taleefanka akhbaarta lagu kala qaato.
Diirshe shaqadisii ayuu ku noqday kadib maalin fasax ah. Waxaan mar kasto ku soo maaxanayey madaxiisa lacagta loo sheegay tiradaade waligiisna xataa kuma riyoon lacagtaas Nolashiisa, lacagta ugu badneyd ee soo gasho mar qura abid ma gaarin 5boqol oo dollar.
Waxuna bilaabay inuu ka fakiro qorshahaan waxuu talada gorofeyaba waxaa usoo baxday inuu howshaan fuliyo marba haduu lacagtaas helayo, maahan nin yaqaan Naxariis iyo cabsi toona kumqna qornaba qaamuuskiisa nolasha beni adamkana maahan nin eey qiimo ugu fadhiso.
Qalocow iyo Ragiisa waxeey diyaariyeen lacagtii iyo Qalabkii lagu howl gali lahaa .Muduo 7 cisho kadib kadib ayuu waxuu wacay dirshe una sheegay ineey diyaar yihiin. Dirshe waxuu ugu jawaabay inuusan waxba ka fuleyn dhinaciisa ayadoon lacagta lasiinin marka hore. Waxaa dhex martya dood dheer oo ku subsaana xiliga lacagta la bixinayo balse ugu danbeyntii waxaa laysku afgartay in lacagta kalabar lasii bixiyo inta kalana la dhemeeystiro markii howsha la fuliyo kadib.
Markii arinta lagu heshiiyay ayaa Diirshe waxaa loo sharxay sida wax loo fulin doono. Iyomxiliga la fulin doono intaba.
Isla subixdii ku xigtay qaloocow waxuu diirshe u keenay lacagtii 5kuna, markii Diirshe lacagtii gacanta loo galiyay farax dartis dhulka ayaa la wareegay dhidid waa weyna kasoo yaacay. Waxaana lagu balamay in galabta casirkii oo ah xiliga dadka ugu badanyihiin la fulin doono howsha howsha.
markii la gaaray 5galabnimo ayaa boorso waxyaabah qarxo laga soo buuxiyay laguna xakumi karo aalada loo yaqaan Remoteka loo soo dhiibay wiil 20 jira oo ka tirsan ah Al-shabaab u jeedkana yahay in gudaha loogaliyo hoteelka, boorsadana Waxaa ladhigay goob dadku ku badanyihiin. wiilkii waxuu ka dalbaday qebta cabitanada koob coffeeya waxuuna joogay mudo 15 daqiiqo ah kadibna wuu meesha uga tagay boorsadii . Markuu sii maqanyahay 5 daqiiqo ayaa boorsadii qarxaday meeshiina waxaa ku dhaawacmay kuna dhintay Dad badan oo iskugu jira masuuliyin Dowlada iyo dad shacaba.…...
Dhamaad.