Fariin Ku socota Umada Dagan Gobalada Waqooyigalbeel iyo Togdheer.
Walaalyaal waxaad Qeyb Muhiima Ka tihiin Shacab weynaha soomaaliyeed.
Soomaalidana maahan dad sina kukala maarmo, berigii hore iyo imankaba.
Mudadii 22 sano ee lasoo dhaafayna lagu guul dareestay Noqoshada Dowlada madaxbanaan.sidaas waa xaqiiqada dhbta ah ee jirto oo aan leyska indha saabi karin.
Hadeey walaalaha kale ee dagan gobald waqooyi ama dhulkii la isku oran jiray Brtitish Somalia sida Khaatamu, iyo Owdal, iyo Maakhir states Ka tashteen Aayahooda xaqiiqsadeena ineey jirin wax la yiraa somaliland ee aduunka aqoonsanyahay.
Madax banaanid soomaaliland ineey Noqotay mid uun siyaasiyiinta xisbiyada hadalkeeda hayaan markeey ku jiraan Olalaha doorashada.
Waxad ogtihiin Xisbiga Kulmiya ee hogaamiyo siilaanyo diideen ka qeyb galka shirka Istanbuul oo ah wadadii loomari Lahaa Dowlada la yiraahdo somaliland.
Hadey ka tahay Daacad Balse eeysan jirin Daacadnimo .Markaan idiin sheego xaqiiqda dhabta ahna waxaa weeye Maadaama doorashadii soo dhawaatay in la doonayo in shacabka laga ruwaayadeysto. Olalahana lagu galo madaxbanaanida somaliland iyo waxaanu ka go,eynaa Muqdisho. Umadaana cid kala goyn karto ma jirto inta aduunyada ka dhiman.
waxaad ogtihhin in qoyska Siilaanyo eey Muqdisho ka furteen hudheel casriya, sidoo kalana siilaanyo uu doonayay in xisbiga kulmiye loogu daro wasiir dowlada Faderaalka.Golahii lasoo dhisayay dhawaan Balse uu ku fashilmay.
Waxaa kaloo wax lalayaabo ah xataa dowladaha deriska la ah somaaliya oo lagu yaqaan cadownimada ee u qabaan shacabka somaalida ayaan ku qanacsaneen in wadanka lakala qeybiyo iskaba dhaaf soomaalida inteeda kale.
Walaalayaal waxanu rabnaa in taariikhda aduunka wax ka barano anagu diina iyo dhaqan iyo midab kuma kala duwanin , waxaana jiro wadamo intaas ku kala duwan hadana mideeysan.
midnimada waa mid nawada anfacayso waxeeyna si gaara usii anfici doontaa jiilalka imaan doono.
Towfiiqda ilaah Hana waafajiyo.
No comments:
Post a Comment