Saturday, 18 July 2015

Dhiilo Nabadoon

 
Nabadoon Faarax buule Waa 65 jir, waxuu muddo ku dhow rubac Qarniya ku maqnaa wadanka dibidiisa  Gaar ahaan Cariga engriiska. Waxuu kusoo noqday dhulkii hooyo asagaoo hamuun badan  u qabo. Waxaan si kadisa  kula kulmay hotel ku yaala magaalada Muqdisho  iyado rag iyo dumar fara badan oo tolkisa ahi salaam ugu yimideen Waxuu igu yeri  asagoo farxad eey  reyn reynu ku dhahentahay wajigiisa  ka muqaneysay  “Alla Qurbo maxeey  Rag   Qiimo tirtay” .
Nabadoon faarax buulo mudadii uu  wadanka  ka maqnaa waxuu ku sugnaa magaaladan London, weligiisna meel kale uguma baxin  marka laga reebo hal  mar  oo eey xajka u waday curadiisa xalimo faarax. Intaas uu  engriska  joogana waxba kama baran  oo xataa  wax kaleba iska dhaafe luqada englishka waxba kama yaqaan marka laga reebo  dhor erey  sida -how are you iyo Thanks iyo inyar oo kale oo naf laheyn- shaqana warkeeda iskaba daaba waxuu ahaa ceyr suge sida somaliduba u badantahay.
Nabadoonka ma socod badna oo inta badan guriga Gabadhiisaoo  uu la noolyahay  ayuu iska joogaa, mar mar ayuu aadaa maqaaxi yar oo  ku taala waqooyiga London, halkaas oo aay  jufadiisa iskugu timaado  kuna kala warqaataan wixii ka dhacay dageenkooda nabad iyo colaadba.
Nabadoon   Buule  waa nin cod kara geesina ah hadalkana  aan la gamban, aad ayeey ugu  gambadaan  bahda ku jufada ahi oo dhan gaar ahaan markeey timaado aruurinta  lacagaha qaaraanka ah ee loo diro wadankii marka colaadi jirto ama beeshiisa eey dulaan ku tahay beel kale.
Lacago aad u badan oo dagaalo  beesha ku gashayna  wuu soo abaabulay mudadii uu joogay qurbaha inkastoo dagaaladaasi dhalinyara badan uga dhinteen  beesha Nabadoonka, kuwa kaloo fara badana ee ka galaafteen beelihii kale eey gulufka la galeen Waxaa is leeyahay  dhimashadaas waa  laga baaqsan  karay hadaan qarashba jireen amaba qarashkas loo adeegsan lahaa howlo kale oo beesha  wax tar uleh.
Nabadoon buule mudadii uu maqnaa oo dhan   waxuu ahaa  jeeb ku dhiigle, asaga iyo bahdii qurbaha lajoogtay oo ku heybta aheyd.
Maalintuu kasoo dagayay ariborka waxaa loo soo dhaweeyay sidii QABQABLE in muddaa ADDISABABA  ku maqnaa, baabuurta lagu soo dhaweeyay xataa waxaa ku jiray kuwa gaashaaman oo u badnaa nooca loo yaqaano CABDIBILE. Waxaana la deyiyay hotel 3 star ah oo kamida kuwa ugu qaalisan magaalada.
Waxaana durbadiiba bilaabatay in lasoo  booqdo Nabadoonka, dad badan  oo isugu jiray rag, dumar iyo caruurba weey u  imaanayeen Dadka intiisa badan  Nabadoonka warkiisa uun beey maqli jireen ee muuqiisa meynan aqoon , waxaa ayagana jiray kuwa kale oo xataa uga imaanayay  miyiga kaliyah ineey mar un arkaan nabdoon buule.

Dhamaad.

Dr.Beileh

No comments:

Post a Comment